Kenya oo joojisay duulimaadyada qaar kamid ah shirkadaha diyaaradaha
Nairobi June 07, 2015(SDN/QJ)-Soomaaliya isugu jiro mas’uuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya iyo dad shacab ah ayaa ku xayiran saacado badan wadanka Kenya kadib markii dowladaasi ay diideen oo ay joojiyeen qaar kamid ah shirkadaha duulimaadka ee Soomaaliya.
Kenya ayaa waxa ay joojisay inta badan shirkadaha duulimaadka ku bixiyo gudaha dalkeeda ee ka baxo Soomaaliya.
Mas’uuliyiinta shirkadaha diyaaradaha ayaa noo sheegay in aanan horay loogu wargalin iyagoona sheegay in ay layaaban yihiin sababaha keenay in ay ku xanib naadaan Kenya.
Soomaaliya iyo Kenya waxaa ka dhex shaqeeyo shirkado diyaaradeed oo kala duwan iyadoona horay Kenya ay go’aan ugu qaadatay Xawaaladaha oo ay irdaha isugu dhufatay.
Ma jiro wax war ah oo kasoo Baxay Safaaradda Soomaalida ee Kenya iyo sidoo kale dowladda Soomaaliya oo ku aadan waxyaabaha go’aankaani Kenya ay joojisay shirkadaha diyaaradaha ee Soomaalida.
SDN/QJ-Nairobi