Kenya Oo Heegankii Ugu Sarreeyey Ku Jirta iyo Warar Sheegaya Alshabaab Toogashada ku Takhasustay ay Gudaha Dalka Galeen
Nairobi:Aug,10,2014(SDN/QJ)-Ciidanka Ammaanka Dalka Kenya, ayaa heegankii ugu sarreeyey la geliyey,kadib markii la helay warar sheegaya in Al-shabaab si xoog ah u tababarani ay Dalka soo galeen.
Wargeyska Toddobaadlaha ee The Saturday Nation, ayaa shaaciyey inay Ciiddanka Sirdoonka Kenya aqqoonsadeen dadka lagu tuhunsan yahay inay weeraro fulin doonaan, waxana lagu baaqay in feejignaan dheeraad ah qaato.
Xogaha wargeysku helay ayaa sheegayo in La-tuhunsanayaasha Alshabaab ee lagu soo tababaray gudaha dalka Somalia qorsheynayaan inay qaadaan weeraradaasi.
Ilaaladda Mukhaabaraadka ee laga hayey Garoomadda Diyaaradaha iyo meelaha laga soo galo xuduudaha ayaa aad loo adkeeyey, iyadoo la filayo in Goobo gaar ah ay kooxahani badhtilmaameedsadaan dhawaan.
Taliyaha Waaxda Boliska Garoomadda Diyaaradaha Kenya, Joseph Ole Tito ayaa sheegay in ujeedadu tahay si loo hubiyo inaysan Dhoofayaasha khatarta ah ee hore uga baxsaday baadhitaannaddu aanay u suurtoobin inay gudaha Kenya galaan.
Waxa uu intaasi ku daray inay Saraakiisha bilaabeen inay baadhitaanka computerized ah (Screen) la marsiiyo dhamaan Dhoofayaasha ka imanayo dalalka Somalia, Sudan iyo Kongadda Dimuqraadiga ee DRC iyo xitaa Dhoofayaasha Transitka ah.
Dhinaca kale, Warbixin kale oo dhinaca Mukhaabaraadka ayaa muujinayso inay dalka Kenya ku soo laabteen qaar ka mid ah Kooxihii weerarkii ugu dambeeyey ka geystay Gobalka Laamu, kuwaasi oo ka tirsan Koox cusub oo lagu soo tababaray gudaha dalka Somalia.
Sirdoonka Kenya ayaa rumeysan in qeybtii ugu horreysay Kooxdaasi ka soo gudbeen xuduudka Kenya oo ay kaga soo duseen Deegaanka Kiunga bishii June 25dii ee sannadkan.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com