|

Kenya oo Gacanta ku dhigtay Hablo u Talaabayay ku Biirista Xarakada Alshabaab

Mandhera:Mar,31,2015(SDN/QJ)-Saraakiisha Ammaanka waddanka Kenya ayaa shaaciyey inay gacanta ku dhigeen Saddex Hablood oo Arday ahaa, kuwaas lagu eedeeyey inay qaraxyo ka Abaabulayeen Xeebta Mombasa.

wemGudoomiyaha magaalada Mombasa Nelson Marwa, ayaa sheegay in saddexda Hablood lagu qabtay magaalada Ceelwaaq ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, waxayna dumarka ay doonayeen iney ku biiraan Alshabaab.

“Dadkaasi waxay saarnaayeen gaadhi ka tagay Mombasa waxayna doonayeen iney usafraan Soomaaliya iyaga oo Mandheera maraya si ay ugu biiraan ururka Alshabaab, qaarkoodna waxaa loo tababaray qaraxyo iney fuliyaan”ayuu yidhi gudoomiyaha Mombasa.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in saddexda ruux ee laga shakiyay ay ahaayeen laba Kenyan ah iyo haweenay Tanzanian ah, oo dhamaantood ahaa arday jaamacadeed oo ka hooseeya da’da 21 sano jir.

Qabdhahaasi oo magacyadooda lagu kala sheegay Ummul Kheyr Saadir Cabdi oo Tanzanian ah oo la aaminsan yahay iney hogaamiye aheyd, Maryan Siciid Cabuud iyo Khadiija Abuubakar Cabdiqaadir ayaa la filayaa in maanta maxkamad ay kasoo muuqdaan.

Sida ay sheegeen saraakiil dhanka amaanka ah ayaa sheegay in saddex ruux ay doonayeen iney ku biiraan dhanka Alshabaab, oo weeraro badan ka geystay dalka Kenya.

Saraakiil kale ayaa sheegay in gabdhahaasi ay doonayeen iney ku biiraan kooxda Daacish ee ka dagaalama Syria iyo Iraq.

Comments are closed