Kenya Oo Faafhaahin Ka Bixisay Weerar Shabaabku Kaga Dileen Laba Askari Gudaha Kenya
Nairobi:May 27,2014(SDN/QJ)-Hoggaanka Ciidanka ammaanka ee Dalka Kenya ayaa faahfaahin ka bixiyey Weerar ay kooxda Alshabaab maalintii shalay ku laayeen Askar Kenyan ah.
Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in laba mid ah ciidankooda oo saarnaa Gaadhi raashin siday lagu dilay goob ku dhaw xuduud Somalia u dhaw.
Leonard Omolo, taliyaha booliska deegaanka xeebta ku yaala ee Lamu, ayaa sheegay in weerarka ay ka dambeeyay Alshabaab, kaasi oo uu sheegay inuu kusoo aaday markii roob xoogan uu ku qabsaday meel ka baxsan deegaanka.
Isagoo teleefoonka kula hadlay wakaalada Wararka ee Reuters ayuu sheegay in askartooda ay wadaan raashin gargaar oo ay doonayeen inay gaadhsiiyaan deegaanka Raaskaambooni, sida uu sheegay iyadoo goobta lagu dilay.
Weerarka ayaa ka dhacay deegaanka Kiunga oo ku yaala meel ka baxsan deegaanka Lamu ee dalka Kenya, sida masuuliyiinta Kenya ay warbaahinta gudaha iyo dibada u sheegeen.
Samson Obara oo isna ka mid ah saraakiisha booliska deegaanka ayaa sheegay in ciidamadaasi ay weerar kala kulmeen Alshabaab, isagoo sheegay in labo kaliya ay kaga dhimatay
Wuxuu sidoo kale sheegay in ciidamadii soo weeraray midkood ay dileen kuwa kale ay baxsadeen, sida uu hadalka u dhigay.
SDN/QJ-Hargeysa
Contact@somalidiasporanews.com