|

Kenya oo Beri oo Khamiis ah Galaysa Xaalad adag,Doorashadda Ku Celinta ah oo Dhacaysa, Baaqa Hogaamiyaha Mucaaridka ee Dhaq-dhaqaaqa Wax iska Caabinta,& Walaaca Laga Qabo Xiisad Dagaal oo Qaraxda!!!

Nairobi 25. October 2017 (SDN/QJ):-Hoggaamiyaha Isbaheysiga mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa u sheegay taageerayaashiisa inay guryahooda ku ekaadaan oo aysan u soo bixin doorashada ku celiska ah ee lagu wado inay dalkaasi ka dhacdo berri.

Waxa uu sheegay in Isbaheysigiisa NASA uu isu beddelayo “Dhaqdhaqaaq wax iska cabin ah”

Raila oo taageeayaashiisa kula hadlay fagaaaha Uhuru Park ee magaalada Nairobi, ayaa dhinaca kale ku booriyay inaysan gacan ka hadal ku sameyn sida uu sheegay walaalahooda kale ee reer Kenya oo ay indhaha u furaan cadaalad darro ay dhamaan wada tabanayaan.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Kenya ayaa sheegay in doorashada ku celiska ah ee Khamiista ay qabsoomi doonto sida uu markii horaba qorshuhu ahaa ka dib markii garsoorayaal ku filan ay soo xaadiri waayeen fadhi gaar ah oo ay maxkamadda ugu sarreysa dalka ka yeelan lahayd arrintan.

Guddoomiyaha maxkamadda ugu sarreysa Kenya, David Maraga, ayaa sheegay in maxkamaddu aanay go’aan ka gaadhi karin dacwad la doonayay in dib loogu dhigo doorashada ku celiska ahi iyo in kale.

David Maraga ayaa sheegay in garsooreyaasha maxkamadda oo toddobo ahaa aanay u suurtagelin dhammaantood in ay soo xaadiraan maxkamadda.

Ku xigeenkiisa ayaa maqnayd kaddib markii talaadadii shalay ahayd toogasho lagu dhaawacay mid ka mid ah ilaaladeeda.

Sida uu qabo sharciga, ugu yaraan shan garsoore ayay tahay in ay maxkamadda soo xaadiraan si ay u dhageysto dacwad ama ay go’aan u gaarto balse Maraga ayaa sheegay in gabadha ku xigeenkiisa ahi Philomena Mwilu aysan u suurtagelin in ay maxkamadda timaaddo..

Garsoore kale ayuu Maraga sheegay in uu soo xaadiri waayay maxkamadda maadaama sababo caafimaad awgood uu dalka uga maqan yahay.

Labo garsoore oo kale ayaysan iyaguna u suurtagelin in ay ka soo qeybgalaan dhageysiga dacwadda mana uusan caddeyn sababta halka mid kale oo joogay meel ka baxsan caasimadda Nairobi ay u suurtageli weyday in ay hesho duulimaad ay ku timaaddo Nairobi.

Guddoomiyaha maxkamadda ayaa raalligelin u jeediyay dhammaan axsaabta ay arrintani khuseysay.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ku adkeystay in doorashada ay qabsoonto Khamiista.

Qolyaha u dooda xuquuqda aadanaha oo kiiskan geeyay maxkamadda ayaa sheegay in aysan Kenya diyaar u ahayn doorasho waxayna rajeynayeen in maxkamaddu ay joojiso doorashadan oo ay ku dhawaaqda in doorasho hor leh la qabto.

Isbaheysigiisa NASA ee Odinga ayaa ku dhawaad maalin kasta dalka ka dhigayay muddaaharaad ay uga soo horjeedaan guddiga doorashada. Booliska ayaa lagu eedeeyay inay isticmaaleen xoog xad dhaaf ah. Tobannaan qof ayaa ilaa iyo hadda ku dhimatay muddaarahaadyadaasi.

Isbuucii la soo dhaafay xubin sare oo ka tirsan guddiga doorashooyinka ayaa is casishay iyadoo sheegtay inaysan diyaar u ahayn waxay ugu yeertay ‘qeyb ka noqoshada’ doorasho aan si hufan loo qaban doonin. Waxay u carartay New York iyadoo sheegtay inay u baqday nafsadeeda.

Maalin ka dib is casilaada Roselyn Akombe, ayaa gudoomiyaha guddiga doorashooyinka wuxuu qirtay inay adagtahay in doorasho ‘macquul ah’ la qabto.

”Waxaa arrin yaabkeeda leh ah in hoggaamiyayaasha siyaasadda ee laga rabay inay dhisaan qaran ay nqodeen khatarta ugu daran soo food saartay xasilloonida iyo nabadda qaranka”, ayuu yiri Wafula Chebukati.

Comments are closed