|

Kenya: Mooshin laga diyaarinayay Hogaamiyaha Aqlabiyada Baarlamanka Kenya oo laga Noqday

Nairobi,8Aug,2015(QJ/SDN)-Qaar ka mid ah Xildhibaannada Is-bahaysiga Qaranka Kenya ee Xisbiga TNA (The National Alliance), ayaa Maanta dib ula noqday Mooshin ay horay ugu goodiyeen inay ka geyn doonaan Baarlamanka Kenya Hogaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka, Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo ay ku Cadaadinayeen inuu keeno liiska xubnaha ka tirsan ururka Al-shabaab iyo dadka taageera ee dhibaatada ka geystay Gobolka Waqooyi-bari ee Kenya.

 

Mooshinka oo markii hore ahaa mid aynan u Wada-dhameyn Xildhibaannada Xisbigaas oo uu Hoggaamiyo Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa Waxaa ka Horjeestay Mudanayaasha ay ku Bahoobeen Is-baheyga Talada haya ee JUBILEE, kana tirsan Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Kenya (URP) oo uu Hogaamiyo Madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto, horayna uu uga tirsanaa Xildhibaan Aadan Bare Ducaale.

 

Kanini Kega oo ah Xildhibaanka laga soo doortay Deegaanka Kieni oo ka Tirsan Degmada Nyeri ee Bartamaha dalka Kenya oo markii hore soo diyaariyay Mooshinkaas, ayaa isagoo hogaaminaayo mudanayaasha laga soo dortay bartamaha Kenya- waxey sheegeen iney ka tanaasuleen Mooshinkii ay sheegeen iney baarlamaanka ka geyn doonaan Mudanahooda.

 

Shir jaraa’id oo maalin ka hor ay Xildhibaannadaas ku Qabteen Nairobi ayay ku cadeeyeen ka Noqoshada Mooshinkaas oo ay soo Hindiseen Bishii la soo Dhaafay kaddib markii lagu Dilay Dulleedka Mandheera 12-qof oo ka soo jeeday Deegaannadooda, kana Shaqeynayay Goob dhagaxaanta laga qodo.

 

Xildhibaannadu waxay sidoo kale Xuseen inay ka shaqeyn doonaan sidii Mag-dhow loogu raadin lahaa ehellada Dadkoodii lagu dilay Gobolka Waqooyi-bari ee Waddanka Kenya.

 

Si kasta oo ay tahay, Mooshinkaas oo dhaliyay Khilaaf soo kala dhex-galay Is-bahaysiga hayo talada wadanka Kenya ee Jubilee oo ay ku bahoobeen labada Xisbi ee TNA iyo URP oo ay kala hogaamiyaan Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Kenya, ayaa hada waxa uu u muuqdaa mid meesha laga saaray si looga hortago in murankaas uu sii socdo.

 

 

Comments are closed