|

Kenya: Meleeshiyaadkii weeraray Jaamacada Garisa waxa ay ahaayeen askar loo tababaray ciidamada dawlada Soomaaliya

Gaarisa April 11, 2015(SDN/QJ)-Denbi baareyaasha Kenya ayaa sheegay in ragii dhawaanta weerar jaamacada Garisa in ay ahaayeen askar  loo tababray dawlada Soomaaliya iyo maamul goboleedka Juba land.

Sidaa waxa sheegay Muse Yego oo ah sarkaal ka mida danbibaareyaasha Gaarisa isla markaana ka mida kooxda baareysa xasuuqii dhawaan jaamacada Gaarisa ay shabaabku ka geysteen.

Wasiirkii hore ee dawladii Sheekh Shariim Maxamed Cabdi Gaandhi ayaa ciidamo ka qortay degaanka Woqooyi Bari si ay u difaacaan xadka labada dal.

Ciidamada amaanka Kenya ayaa sheegay in ay goobtii xasuuqu ka dhacay ay ka heleen hub iyo qalab ciidan oo ay lahaayeen ciidamada dawlada Soomaaliya.

Ciidamadan ay dawlada Soomaaliya ka qoratay degaanka Gaarisa ayaa haatan la sheegay  in ay yihiin kuwa amaan darada loo isticmaalo.

Dadka reer Gaarisa Ayaan siyaasiyan ku qanacsaneyn hanaanka dawladeed ee dalka Kenya oo aaney wax saameyn ah ku laheyn.

Waana sababtaa ta haatan ay xaalada amaan ee dalka Kenya ay khal khalka u gashay, hadii aan xaaladahaa siyaasadeed wax laga qabana waa ay adkaaneysaa in xaalada la dejiyo.

SDN/QJ-Gaarisa

contact@qurbejoog.com

Comments are closed