KENYA: Joojin Mayno Dhoofinta Qaadka Ee Dalka Soomaaliya Illaa Dowladda Soomaaliya Iska Diido.
Nairobi,25Oct,2015(QJ/SDN)-Dowlada Kenya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay qaadka laga soo dhoofiyo dalka Kenya ee la keeno gudaha dalka Soomaaliya, iyadoo sheegtay Kenya in aanay marnaba joojineyn qaadka Soomaaliya ay u dhoofiso.
Joseph Nkaissery, Wasiirka Arimaha Gudaha dalka Kenya, ayaa sheegay Qaadka dalkiisa laga keeno ee Soomaaliya loo soo dhoofiyo in aanay joojineyn, maadaama sida uu sheegay ay tahay arin ganacsi ah oo dalka Kenya dhaqaalo ay ka hesho.
Wasiirka Arimaha Gudaha Kenya oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka ayaa sidoo kale sheegay in dowlada Soomaaliya looga baahan yahay joojinta qaadka laga soo dhoofiyo Kenya.
Wuxuu si cad u sheegay Wasiirka dowlada Kenya u hadlay in Dowlada Soomaaliya ay mamnuuci karto qaadka, kadibna Kenya ay joojin karto qaadka, laakiin madaxda haddii aanay ka hadleynin inay sii socon karaan iibinta qaadka la geeyo Soomaaliya.
Kenya waxa ay dhaqaalo badan ka heshaa Qaadka Miirooga ee laga soo dhoofiyo dalkeeda, waxaana Soomaaliya maalin waliba la keena diyaarad weyn oo u dhiganta dhowr diyaaradood, taasi oo keenta Qaadka Soomaaliya laga isticmaalo.
Dowladda Soomaaliya lafteeda qaadka waxa ay ka heshaa dhaqaalo badan oo canshuuro ah, marka dhinacaasi la eegana Dowladda waxaa ku adag go’aan qaadashada ku saabsan qaadka Soomaaliya la keeno in la joojiyo.
Ugu danbeyntii, Ganacsato badan oo Soomaali ah ayaa ku tiirsan ka ganacsi qaadka la keeno dalka Soomaaliya iyo iibintiisa intaba.
QJ/SDN: Hargeysa