|

Kampala: Arday Reer Somalilnd ah oo guulo k soo hooyay qalin-jebinta Shahaadada Master ee Jaamacadda Kampala

Kampala 13.March 2015 (SDN/QJ):- Arday ka socotay Somaliland oo dhammaystay waxbarashada heerka labaad ee loo yaqaanno “Master”, ayaa kaalmaha hore ka galay Ardaydii ugu sarraysay Dufcaddii 12-aad ee ka qalin-jebisa Jaamacadda Kampala ee dalka Yugaandha.

kaariye saxaafadaMunaasibadda qalin-jebinta oo Shalay oo taariikhdu ahayd 12 March 2015, ka qabsoontay xarunta jaamacaddaas ee magaalada Kampala ee dalka Yugaandha, kana qaybgaleen masuuliyiin sarsare oo ka socotay dawladda Yugaandha, masuuliyiinta ugu sarraysa jaamacaddaas, siyaasiyiin iyo ganacsato caan ka ah dalkaas, ayaa lagaga dhawaaqay ardaydii ugu sarraysay kuwaas oo ay xubno ka ahaayeen arday ka socotay Somaliland oo ka mid ahayd dufcaddii qalin-jebinta loo qabtay.

raambooArdaydan oo muddo laba sanno ah baranayay cilmiga siyaasadda iyo dibloomaasiyadda,  ayaa waxbarashadooda oo ay ka wadeen jaamacadda Kampala waxa fududeeyay oo ay u soo maraysay jaamacadda Hope ee Somaliland. Lix arday oo ka mid ahaa kuwii xafladda qalinjebinta kaga qaybgalay magaalada Kampala ayaa afar ka mid ah la guddoonsiiyay shahaado sharaf lagu maamuusay kaalinta ay ka galeen waxbarashadii ay wadeen.

Intii ay socotay munaasibaddu ayaa masuuliyiintii hadlayay ay shaaciyeen inay goobta ku sugan yihiin arday ka socota Somaliland oo ka mid ah kuwa qalin-jebinaya. Ardayda ka qaybgalay munaasibadda qalin-jebinta ee ka dhacday magaalada Kampala, ayaa waxay kala ahaayeen;

Maxamed Xuseen Jaamac (Raambo)

Barkhad Maxamuud Kaariye

Hibaaq Ibraahim Gammuute

Farduus Siciid Dirir

Maariya Cabdillaahi Gahayr

Cabdirisaaq Cabdillaahi Aadan.

Hase-ahaatee, munaasibadda oo socotay ilaa fiidnimadii ayaa ardayda la guddoonsiiyay shahaado-sharafka lagu maamuusayay kaalintii ay ka galeen waxbarashada ay dhammeeyeen waxay tiradoodu dhammayd afar.

Source Suxufiyiinta Qalin-jebisay:

Comments are closed