Kalfadhigii koowaad ee aqalka sare oo maanta la soo xidhay,Iyo Gudoomiyaha Aqalka Sare oo Ka Cawday Dhaqaale La’aan Soo Food saartay
Muqdisho 06. May 2017 (SDN/QJ):-Waxaa maanta soo xiray kalfadhigii koowaad ee xildhibaanada baarlamaanka aqalka sare, kadib markii ay maanta yeesheen kulankii 28aad.
Guddoomiyaha ayaa khudbad uu ka jeediyay xiritaanka kalfadhiga aqalka sare waxaa uu sheegay in mudadii uu socday kalfadhiga xildhibaanada aqalka Sare wax badan u qabsoomeen oo ay ka mid yihiin dhismaha xeer hoosaadyadii lagu dhaqmi lahaa.
“Mudaddii uu kalfadhigan furnaa xildhibaannadu waxaa ay ku soo shaqeynayeen dhaqaalle la’aan, aqalka sare wali wax miisaaniyad iyo dhaqaale oo uu hellay ma jiro.”ayuu yiri Cabdi Xaashi Cabdulaahi guddoomiyaha aqalka sare.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in ay qaateen dhowr kulan oo kala duwan oo looga hadlayay horumarinta dhaqaalaha Xildhibaanada Aqalka Sare.
Kalfdhigan la soo xiray ayaa noqonaya kii koowaad oo ay yeeshaan xildhibaanada aqalka sare tan iyo markii la aasaasay aqalka sare sanadkii hore.