Kalfadhigii 52aad ee Golaha Guurtida oo Maanta Si rasmi ah ugu Furmay
Hargaysa 21.Dec 2013 (SDN)- Kal fadhigii laba iyo kontanaad ee golaha guurtida jsl ayaa maanta ka furmay xarunta golahaasi ee magaalada hargaysa
Gudoomiyaha GoLaha Guurtida jsl Md Saleebaan maxamuud Aadan oo shir gudoominaayay kalfadhigaasi ayaa mudanayaashii kasoo xaadiray ku wargaliyay gudo galka kalfadhiga iyo u diyaar garawga ajanadaha kalfadhiga laba iyo kontanaad ee golaha kaas oo ka kooban sagaal qodob oo la xidhiidha hawl maalmeedka dastuuriga ah ee golaha.
Gudoomiyaha Golaha Guurtida Md Saleebaan maxamuud Aadan ayaa mudanayaashii
Waxaanu gudoomiyuhu tilmaamay in isfagarshada kasoo baxaday doodaasi in ay tahay guul iyo horumar la gaadhay oo dalku u baahnaa, isagoo mahad celin u jeediyay hayada akadmiga nabada iyo horumarinta oo marti galin doonta doodaasi.
Gabagabdii waxa uun Gudoomiyaha kula dardaarmay mudanayaasha Golahaasi inay ka hawlgalaan wixii khilaaf ah eek a jira guud ahaan dalka gaar ahaan gobolada Bariga dalka .
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com