|

Kalfadhigii 3aad ee Golaha Deegaanka Boorama oo furmay iyo Qodobada lagaga hadlayo

Boorama 08.July (SDN) Kalfadhigii sadexaad ee Golaha deegaanka ee Degmada Boorame ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaaladaasi.

Xubnaha Golaha deegaanka ee Degmada Boorame  ayaa kalfadhigoodan kaga hadlaya Qodobo ay ka mid yahiin

  • Sidii loo dejin lahaa Ajendayaasha fadhiyada bisha Ramadaan.
  • Dib u eegista waxyaabaha qabsoomay iyo waxa weli qabyada ah. iyo
  • Warbixinta guud ee Gudoomiyaha.

Kalfadhiga maanta oo ay soo xaadireen Mayorka iyo Ku xigeenkiisa Mudane Saleebaan Xasan Xaddi iyo Mudane Maxamuud Dheerayste  ayaa sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa culimada waaweyn ee Gobolkaasi oo ay ka mid yahiin Sh Cabdilaahi Sh Cali Jawhar iyo Sh Maxamed Daahir Dawal oo Golaha talooyin ka siiyey arimaha ku saabsan bisha barakaysan ee Ramadaanka iyo sida loo maareynayo hawlaha ay ka mid yahiin Wanaag farista iyo xumaan reebista.

Boorama SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed