|

Kalfadhigii 22aad ee Golaha Wakiilada oo Dib loo Dhigay iyo Asbaabaha Baaqashadiisa lagu saleeyay

Hargaysa 14.Dec 2013 (SDN)- Furitaanka kalfadhigii golaha wakiilada Somaliland oo qorshaysnaa inuu furmo Maanta oo sabti ayaa dib loo Dhigay.

Photo File

Photo File

Ma jiro sabab lagu saleeyay dib u dhiga kalfadhiga golaha wakiilada oo la sheegay in lagu wargeliyay mudanayaasha golaha wakiilada. Hase yeeshe dib u riixista furitaanka kalfadhiga golaha wakiilada ayaa ku soo beegmaya wakhti ay golaha ka dhex jirto xasaasiyad ka dhalatay isku shaandhayntii uu guddoomiyaha wakiilada Md. Cabdiraxmaan Cirro ku sameeyay guddiyada golaha wakiilada oo ay dhinacooda buriyeen labadiisa ku xigeen Md. Baashe Maxamed Faarax iyo Md. Cali Yuusuf.

Wada hadalo la soo warinayay inay muddooyinkan dambe u socdeen Md. Cirro iyo labadiisa ku xigeen ayaa la sheegay inaanay wax midho ah dhalin, ka dib markii uu dhinac waliba ku adkaystay go’aankiisa. Waxaana dib u bilaabmay kala fogaanshihii aragtiyaha guddoomiye Cirro iyo labadiisa ku xigeen.  Ismari-waagan ka dhex jira guddoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen ayaa la saadaalinayaa inuu sal u yahay dib u dhigista kalfadhiga golaha wakiilada oo haddii uu Axada beri furmi lahaa ay suurtogal tahay in khilaafku faraha ka baxo.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed