Kalfadhigii 21aad ee Golaha Wakiilada Somaliland oo Furmay iyo Qodobada Ajandahooda
Hargaysa 21.April (SDN) Fadhigii Maanta ee Golaha wakiiladda Jamhuuriyada soomaliland, oo uu shir-gudoominayey Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Mud.Baashe Maxamed Faarax, ayaa mudanayaasha loogu qaybiyey Ajandaha kalfadhiga kow iyo labaatanaad ee Golaha si ay uga soo baaraan degaan .
Ajandaha kal-fadhiga kow iyo labaatan ee Golaha wakiiladda ayaa waxa uu oo ka kooban yahay Lix qodob, oo kala ah:-
1- War-bixinta shir-gudoonka,Guddiga joogtada ah iyo Guddiyada Golaha wakiilada.
2- Mashaariicda sharci ee Golaha hor-yaala kuwaasi oo ah: Xeerka Booliska, Wax-kabedelka xeerka Qareenada,
Xeerka Maamuuska M/weynaha iyo Ku/xigeenkiisa
Xeerka Ganacsiga Howlaha Baanka, Xisaab-xidhka Dawladda,2010-2011 iyo xeerka Statistics.
3-U yeedhista masuul;iyiinta Qaranka,
4-Abnsixinta Masuuliyiinta Qaranka
5-Xeerka ka soo noqda Golaha Guurtida iyo
6- wixii kale ee soo kordha.
Waxaanay mudanayaashu ka soo baaraa-degi doonaan qodobada uu ajanduhu ka kooban yahay, si ka dib uu goluhu u guda galo ansixinta ajandaha kal-fadhigooda kow iyo labaatanaad.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com