|

Kala Qaybsanaantii iyo Xaaladii Burburka ku Keentay Shirkii Dhallinyaradda Beelaha Sacad Muuse iyo Habar Jeclo,Wasiiro iyo Hogaanka Kulmiye oo Cadho kaga dhaqaaqay

Hargaysa 23.Sep 2015 (SDN/QJ)-  Shir la isugu keenay Qaar ka mid ah dhalinyaro ka soo kala jeeda labada beelood ee Beesha Haber-jeclo ee bariga Burco, Berbera Iyo Beesha degta galbeedka Hargeysa ee Sacad Muuse oo ay soo abaabuleen Xildhibaan Cali Mareexaan oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiilada, Wasiirka Wasaaradda duulista Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, Guddoomiyaha Sagaljet Cabdi Yuusuf, ururka JIIDAALE xubno ka mid ah Soonyo iyo Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo ku-xigeenkiisa Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ku dhamaaday natiijo la’aan, ka dibna burburay  markii qaar ka mid ah dhalinyaradaasi diideen, kuna gacan saydheen in la kala qaybiyo dhalinyaradii ka soo kala jeeday beelihii shuraakada kuwada ahaa xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye.

 

Qaar ka mid ah dhalinyarada ka soo jeeda beesha Haber-jeclo ee bariga Burco, Berbera iyo qaar lagaga daray gudaha magaalada Hargeysa oo khadka Telifoonka caawa ugu waramay Weriye Cabdifataax Ismaaciil Caarshe, ayaa sheegay inay ka koobnaayeen 35 Burco ah, 35  Berbera ah iyo 35 Hargeysa ah oo u matelayey beesha habarjeclo shirkaas dhalinyarada labada beelood oo muddo saddex maalmood ah uga socday huteelka maansoor ee Hargeysa, isla markaana dhalinyarada ka soo jeeda beeshaas Haber-jeclo ayaa sheegay in muddooyinkan dambe Guddoomiyaha shirkada daabacaada ee Sagaljet Axmed Yuusuf oo ka soo jeeda booshooda, xubno jagooyin sarsare ka haya ururka Jiidaley iyo Soonyo oo ka soo jeeda beesha Sacad Muuse socdaalo kala duwan ku yimaadeen magaalado Burco, Berbera iyo Caynaba.

 

Qodax Jaamac Maxamuud oo ka mid ahaa dhalinyarada laga soo qaaday magaalada Burco oo ka hadlay shirkaas ayaa sheegay in socdaalkoodu uu ahaa shir lagu marti qaaday oo ka dhacay Hargeysa. “Haa wallaal wuu jiraa shirkaas aanu la yeelanay dhalinyarada galbeedka Hargeysa, ee Sacad Muuse, markaa u jeeddada socdaalkayagu wuxuu ahaa oo noo yeedhay Xildhibaan Cali Mareexaan, Wasiirka Wasaarada duulista Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiye ku-xigeenka Maxamed Kaahin Axmed. Anagu 35 dhalinyaro ah ayaanu aheyn  ee ka timi  magaalada Burco, 35 kalena waxay ka yimaadeen magaalada Berbera iyo 35 kalena waxay ahaayeen dhalinyarada beesha ee degan ama wax ka barata magaalada Hargeysa ayaa  nagu wehelinayey shirkaas aanu la yeelanay dhalinyarada beesha Sacad Muuse.”ayuu yidhi Qodax.

 

Idiris Saleebaan Maxamuud oo isna ka mid ahaa dhalinyaradaas oo aanu wax ka weydiinay shirkaas iyo waxyaabaha ay ka wada hadlayeen ayaa ku jawaabay.“Runtii anaga waxa noo yeedhay Wasiir Maxamuud Xaashi iyo Cali Mareexaan iyo xubno kale oo la shaqaynayey oo nagu yidhi madaama aynu nahay dhalinyaradii labada beelood ee sida weyn u taageeray mar walbana u barbar taagan xisbigooda Kulmiye in loo baahan yahay inay shiraan oo is xaal waraystaan. Waxaanu nidhi waqti wax la taageero lama joogo. Anagu labada dhinac midna ma taageersanin.”

 

Idiris Saleebaan wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waxa ka mid ah dadka shirarkan wada Guddoomiyaha shirkada Sagaljet Cabdi Yuusuf, xubno xilal sare ka haya ururka Jiidaley oo beesha sacad Muuse ah iyo qaar Soonyo ka mid ah, horena noogu yimi magaalada Burco. waxaanu ahaa kaabeyn ay ku jiraan qolada Sacad Muuse. Anagu  waxaanu ku nidhi muhiimadu waxa weeye in laga shaqeeyo midnimadii labada reer ee anagu immika labada garab midna taageerimayno, laakiin qof walba fekerkiisa iyo aragtidiisa ayuu cabirayey, waana u xor ayaanu nidhi. Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed oo halkaas hadal kooban ka jeediyey oo ay wada socdeen Muuse Biixi Cabdi, ayaa nagu yidhi soo Guddoomiye Muuse Biixi ma doorano oo ma dhisno inuu murashax kaligii  inoo noqdo marka la qabto shirka Golaha dhexe. Laakiin waxaanu ku nidhi lama joogo waqtigeedii, waanay noo wada siman yihiin murashaxiinta Kulmiye ee ha laga war sugo shirka Golaha dhexe.”

 

Maxamuud Ismaaciil Jaamac oo ka mid ahaa dhalinyaradii Burco ka timo oo isna wax ka weydiinay waxa uu yidhi, “Runtii waxa nala socday haddaanu nahay dhalinyarada ka timi Burco Inan la socday Inamo jaamacada wada dhigtaan ee Burco, walina Abti loo ahaa,kana soo jeeday beesha ka mid ah Arabka ee Cabdala Arab ee degta Burco oo ka hadlay shirkaas. Waxaana la moodayey Habarjeclo oo ka hadlay halkaas ayaa soo jeediyey in xisbiga Kulmiye la wada lahaa, una sinaayeen dhalinyaradii Kulmiye haddii ay Burco, Berbera iyo Hargeysaba joogaan, taasina ay dhaawici karto dadkii wada lahaa ee maal iyo naf-ba duldhigay xilligii murashaxa Madaxweyne Siilaanyo ahaa, wuxuuna u soo jeediyey hogaanka Kulmiye inay ilaaliyaan midnimadii taageerayaashii dhalinyaradii ka soo jeeday xaafadaha Axmed Dhagax iyo galbeedkab iyo meel kasta oo ay joogaan, markaa wuxuu ku taliyey in loo baahnaa inay ka mid noqdaan dhalinyaradii Axmed Dhagax ee la ogaa sidii ay Kulmiye u shidijireen..”

 

Cismaan Faarax Aadan oo isna ka mid ahaa dhalinyaradii laga soo qaaday Berbera oo ka hadlay shirkaas. “Wax na tiijo ah oo ka soo baxay shirkaas oo la taaban karo ma jiraan, waxaanu soo jeedinay oo kaliya in la ilaaliyo midnimadii labada beelood oo kaliya, lagana wada shaqeeyo. Waxaanu u sheegnay in anagu ay noo siman yihiin siyaasiyiinta Sacad Muuse ee doonaysa murashaxnimada oo aanay kala jeclayn, laakiin loo baahan yahay inay iyagu soo kala saraan. Markaa u jeeddadu waxay aheyd Muuse taageera oo dardar kaliya xisbiga, taasna waxaanu ku nidhi ha laga war sugo Golaha dhexe ee xisbiga, lamana joogo waqtigeedii.”ayuu yidhi Cismaan Faarax Aadan.

 

Haddaba shirkan ayaa ku soo beegmaaya markii todobaadyadii la soo dhaafay dhalinyaro ka soo jeeda beesha Sacad Muuse ee taageersan garabka uu hogaamiyo Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yonis, Wasiirkii hore ee maaliyada Samaale iyo Wasiirka madaxtooyada Xirsi, ay socdaal ku tageen magaalada Burco, isla markaana waxay shir la yeesheen dhalinyaro kale oo ka soo jeeda beeshaas bariga Burco ee Haber-jeclo oo aanay cid kale ku welinayn.

 

Hase yeeshee talaabadan ay bilaabeen Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Axmed Siilaanyo, Xildhibaanada xisbigaas ugu jira Golaha Wakiilada iyo hogaanka Kulmiye ee ku hirdamaaya murashnimada madaxweynimo ee xisbi-xaakimka Kulmiye, ayaa saameyn weyn ku leh murashaxiinta kale eek u dhawaaqday inay u tartamayaan jagadaas Madaxweynimo ee Kulmiye oo uu ka mid yahay Xildhibaan Gijaadhe iyo beelihii iyo dhalinyaradii sida weyn u taageeri jiray Xisbigaas Kulmiye.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed