Kala duwanaanshayaha aragtida siyaasiga ahii ma aha is colaadin, iyo ciilqabnimo
Xayndaabka siyaasiga ah waxa xidha mabda, iyo go’aamada masiiriga ah ee dawladnimo, iyo xisbinimo ba leh. Qof waliba meel ayuu ku fiican yahay, ama uu ku habboon yahay. sida aqoonta, khibradaha kala duwan, hawlkarnimada, kartida, iyo go’aan gaadhida.
Haddaba innaga oo ka dulayna arrimahan. Waxa aynu ogsoonahay heerka cilmiyeed, iyo khibradeed ee Proff Ismaaciil Hurre Buubaa. Waa wasiirkii koobaad ee maaliyadda jamhuuriyada Somaliland, lacagteena goonida ah ee Somaliland shilling, iyo qorshaha maaliyadeed ba isaga ayaa hal-abuurkeeda iska leh.
Waa la talyahii boqorkii sacuudiga ee arrimaha amniga bariga dhexe, iyo qaarada madaw, sida oo kale xilal kala duwan ayuu soomaaliya ka soo qabtay oo ay ugu muhiimsan yihiin wasiirka arrimaha dibedda, maaliyadda, iyo xildhibaan golaha shacabka ah, markii danbe na oday lala wadaaggo arrimaha adkaada ee dawlada, iyo somaliland ba ayuu ahaa intii uu muqdisho ku sugnaa, imikana waa hoggaanka sare ee xisbiga waddani, iyo musdanbeedkiisa. In badan ayay xukumadahii kala danbeeyay ee kulmiye isku dayayeen in ay la kulmaan, talooyin, iyo gacansiin arrimaha dibedda, gudaha, iyo maaliyaddaba in ay ka helaan, ugu danbeyntii way la kulmeen. Waxna way waydiiyeen? waana ay ka heleen arrimahii qaranka, iyo siyaasaddaba.
Haddaba kulankani yuu muhiim u ahaa, ma Biixi, mise Buubaa? Waxa aynu wada ogsoonahay caqabadaha tirada badan ee horyaala xukumada Biixi ee ah sicir barbarka, colaadaha, duufanada, iyo abaaraha soo noqnoqday, saluuga saamiga dawladeed, iyo isbedelada ka dhacaaya geeska, iyo caalamka.
Sida oo kale siyaasadeena arrimaha dibedda ee fadhiidka noqotay tan, iyo markii xukumadaha kulmiye hoggaanka dalka la wareegeen. Waxa aynu indhaha ku haynay isbedellada joogatada ah ee ka socda, muqdisho, iyo addisbaba, kaasi oo xawli aan la filan karin ka dhaliyay geeska, iyo qaarada madaw! Siiba ta itoobbiya oo heshiisyo la galashay dawladahii colaada guunka ahii ka dhaxaysay siiba, Elatariya, masar, iyo suudaan. Ee ay isku Hayeen wabiga niilka, iyo jabhadaha gudaha dalka ka dagaalami jiray sidaa “olonf”, iyo mudaharaadadii hadheeyay dawladooda. Waxay la yimadeen siyaasad furfuran, iyo diblamaasiyad aan hakad galin mustaqbalkooda, iyo ujeedadooda dawladeed, iyo sameyntooda siyaasadeed ee qaarada ay ku leeyihiin oo wax ka bedel, iyo kaabid ay ku sameeyeen, inagana samayn inagu yeelanaysa, waliba haddaynaan qorshe ka sameysayn mahadhooyin inagaga tagi doontaa! Hore waxa loo yidhi “ninka aan garan waxa maanta joogaa, beri waxa soo socda ma garto” go’doon arrimaha dibedda ah ayaynu kujirnay, halakeen cidda buuxin karta xilkan, waayo’aragnimo na u leh, tusaale Drs adna Aadan, Dr fadaal, Cabdillaahi Muxamed Ducaale, iyo Kaysar Muxamed Cabdillaahi. lama waayine waa la hakraday. Gabadh ayaa lagu yidhi inantaadi way dhali wayday deena waxay ku tiraabtay “ninka feedhahaa lahii inantayda kamuu dhali waayine inantayda wuu hakraday” imika sidan ayay u eegtahay siyaasadeena arriamaha dibeddu. Teena arrimaha gudaha way dhaanta, se iyada lafteeda far yaa ku godan, sida codaaladaha Ceel-afweyn, iyo Tukaraq? Xal looma waayine waan loo jeedin? Qiima dhaca shilling somaliland xukumadii hore, iyo tan danbe waxba lagama qaban, ee fariin qoraal ah oo aanay waxba kajirin ayuu xalkoodu kusoo ururay? Ugu danbeeyntii kulankani Biixi ayuu dan u ahaa, oo maslaxad siyaasadeed, iyo talo soo jeedinta Buubaa baahi weyni u haysay, isaga oo og khalaafyadoodii 1991-1994, iyo loolankii doorashada oo xanaftiisi aan la dami wali. Qobodda laga wadahadlay marka aynu malayno waa saamiga beelaha ee xukumada oo saluug badani jiro, arrimaha diblaamasiyada oo isbedelay, wali na aan asal dhigin, colaada ceel-afweyn oo hawshadu bilaabmatay, iyo xalka sicir barbarka oo aan loo meeldayin ilaa hadda? Biyo ballaadhintii caasimada oo hadal kusoo dhammatay illaa 2010-2018?
Kulanka sawirkiisu in la isku faraxsanaa ayay u muuqataa, se wax la isla meel dhigay.
Wabillaahi tawfiiq. Waa qalinkii: Idiris Muxammad Muxammuud ( Idiris Tooxyare) Degmada Muxammad Mooge, Hargeysa, Somaliland