|

Kal-fadhigii 23-aad Ee Golaha Barlamaanka Somaliland Oo Maanta Furmaya Iyo Dareenada Ku Xeeran

Hargeysa:21-Dec-2013(SDN)-Waxa Maanta oo Sabti ah qorshuhu yahay inuu si Rasmi ah u furmo Kal-fadhigii 23-aad ee Golaha Baarlamaanka Somaliland oo Sabtidii hore dib u dhacay murano jira aawadood.

wakiilllllllKal-fadhigan maanta ayaa lagu wadaa inuu la kawsado khilaafkii ugu horreeyey ee soo kala dhex gala Shirguddoonka Golahaas tan iyo  intii la sameeyey, waxana si aad ah iskaga soo horjeeda Guddoomiye Cirro iyo Labadiisa ku xigeen oo iyagu ka soo horjeeda isku shaandhayntii uu muddo ka hor sameeyey Guddoomiyuhu.

Labada ku-xigeen iyo xukuumadda ayaa si weyn ugu dedaalay inay laalaan isku shaandhayntaas balse waxa uu cirro ku adkaystay inay sharci tahay tallaabada uu qaaday, iyadoo taasina keentay inay labada dhinac si weyn u kala fogaadaan inkastoo uu Guddoomiye Saleebaan Gaal iyo Oday xaaji cabdi waraabe si weyn ugu dedaaleen inay arrintaas dhameeyaan.

 

Labada dhinac ayaan ilaa hadda wax tanaasulaad ah muujinin, iyadoo furitaanka Kal-fadhigii Sabtii dhaweyd la filayey inuu furmaana u baaqday muranka iyo khilaafka shirguddoonka.

Lama shaacin wixii ka soo baxay isku soo dhaweyntii ay labada dhinac ka dhex wadeen Saleeb Gaal iyo Cabdi waraabe, waxana wali aan la garanayn in khilaafkii meesha ka baxay iyo in kale.

Dhinaca kale waxa soo baxay cabashooyin Sal ballaadhan oo la xidhiidh Siddeeda Guddi-hoosaad ee Golaha oo markii dhawaan isku shaandhaynta lagu sameeyey Guddoomiyayaashooda dhammaantood ay Beesha dhexe qaadatay, iyadoo taasina laf dhuun gashay ku tahay Guddoomiye Cirro.

Maanta ayey wax waliba caddaan doonaan, waxana la kala ogaan doonaa meesha uu ku dambeeyey khilaafkii shirguddoonku iyo midhaha ka dhashay dedaalkii ay wadeen Guddoomiye Saleebaan iyo Xaaji Cabdi waraabe.

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed