|

Kal-fadhigii 18aad ee Wakiillada Somaliland oo maanta dirqi ku furmay iyo qodobada ajanduhu ka kooban yahay

Hargeysa, 09, June 2012 (SDN)- Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa fadhigoodii manta loogu qaybiyay ajandaha kal-fadhiga 18aad ee Golahaas.

Golaha Wakiillada oo muddo bil ah u hadhay muddo xilleedkoodii ayaa saddexdii bilood ee u dambeeyay ka mashquulay kal-dhiyadoodii caadiga ahaa.

Fadhigan manta oo dirqi ku furmay waxa shirguddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax.

Qodobada uu ajanduhu ka kooban yahay.

1-   warbixinta Shirguddoonka, Guddida Joogtada iyo Guddiyada Golaha.

2-   Mashaariicda sharci ee Golaha horyaal

a-    Xeerka Fayo-dhawrka Hilibka

b-    Xeerka Nabadgelyada Wadooyinka

c-    Xeerka Aasaaska Guddida Maamul Wanaaga iyo La-dagaalanka Musuqa.

d-    Xeerka Baanka Islaamka.

e-    Xisaab-xidhka Dawladda 2008, 2009, 2010

f-     Xeerka Statistics Law.

g-    Wax-kabadalka iyo kaabista Xeer-hoosaadka.

3-    U yeedhista Masuuliyiinta Qaranka

4-   Ansixinta Masuuliyiinta Qaranka.

SDN, Hargeisa

Comments are closed