Kadib Afar Cisho oo dagaal Socdo iyo Saraakil Puntland ah oo Retuers u sheegay inay Shabab ka dilen, 60 askari, gacanta sarana ay leeyihiin
Garowe 19.March 2016 (SDN/QJ):- Saxaafadda caalamka ayaa isha ku haysa dagaallada ka soconaya Puntland ee lagula jiro kooxo diimeed weerar kusoo qaaday xeebaha dheer ee Puntland.
Wakaaladda Wararka ee Reuters oo soo xiganaysa saraakiil ciidamada ah ayaa qortay inay ciidamada Puntland illaa hadda gacanta sare leeyihiin.
Dawladda Puntland waxay sheegtay in ay dileen isku gayn 60 dagaal yahan, isla markaana ay dhowr goobood kasaareen ciidamada suu duulay.
Islaamiyiinta ayaa doonaya in ay saldhigyo ka samaystaan xeebaha iyo buuralayda Puntland tan iyo intii Maraykanku adkeeyay duqayntii Shabaab ee xagga cirkaa.
Sargaal ciidanka Puntland ka tirsan oo ay soo xiganayso Reuters laguna magacaabo Major Maamed Abdullah ayaa sheegay inay dileen 22 ka tirsan ciidanka shabaab, dagaal wali soconaya , dhanka kale guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullahi Farawayne aya u sheegay Reuters inay dileen 19 askari.
Saraakiisha Puntland waxay sheegeen in Shabaab la go’doomiyay balse dagaalku uusan wali dhammaan..
Dhanka kale Reuters oo Shabaab ka raadisay faah fahin dagaalka ah ayaysan usuurtoobin inay xog dheeraad ah helaan.
Maalinkii Jimcaha ayaa dawldda Muqdisho ay usoo dirtay Puntland Saanad Milatari.