Kacdoonada Itoobiya Ka Jira oo Sababay in Suuqyada Somaliland uu Ku Yaraado Qaadku & Dareenka Magaaladda Boorama DAAWO
Boorama 25. August 2017 (SDN/QJ):- Waxaa Gobolada ay degto Qoomiyada Oromada ee Dalka Itoobiya lagu soo rogay Bando Maadaama Dawlada Itoobiya ay ka baqatay Mudaharaadyo Xoogan,waxaana la Joojiyey Gaadiidkii Goboladaas tegayay iyo Kuwii ka soo baxayay amuurtan ayaa Sababtay inuu Joogsado Qaadkii ka imanayay Goboladaasi.
Waxaa Suuqyada qaar ka mid ah Magaalooyinka Somaliland laga waayay Qaadkii sida Maalin laha uga iman jiray Gobolada Oromada iyadoo la keenay Jaad aad uga yar intii iman jirtay Somaliland taasi waxay keentay inuu isbedelo dhaqdhaqaaqii Magaalooyinku,Dad badan ayaa soo dhaweeyay arrintan hasa yeeshee dadka ka ganacsada qaadka ayaa u arka caqabad la soo deristay Noloshooda.