Kacaankii 21 October Wuxuu Qaban Jiray Iyo Faallo Yuusuf Garaad ka Qoray
Mudisho 27.October 2016 (SDN/QJ):-Kacaanka Oktoobar wuxuu qaban jiray dabbaaldeg sannadle ah oo ku beegan maalintii militerigu uu xukunka la wareegay waa 21-ka Oktoobar.
Waxay Dowladdu qabanqaabin jirtay dabbaaldeg iyo fantasiyo aad uga weyn kan maalinta Gobonnimada. Ilaa yaraanteydii arrintaa si uun ayaan u dhibsan jiray.
Ilaa carruurnimadeydii waxaan u qabay in maalinta Xorriyadda aanay jirin maalin Qaran oo ka mudan.
Markii aan garaadsadayna waxaan u arkay Kacaanka laftiisa in ay u roonayd in uu maalinta Xorriyadda xoogga saaro maaddaama ay tahay mid isu keeni karta dadka oo dhan Kacaan, Kacaan-diid iyo Moogayaashaba. Ugu yaraan haddii aan isku qalbi la noqon maalintaas, ma jiro nin ku dhaca in uu damaashaadka la dhigayo uu dhaliilo.
Malahaa intii aan yaraa waxaa saameyn igu lahaa maalinta dhalashadeyda oo ku beegan 26 June iyo in hooyadeey ay taas faan iiga dhigi jirtay. Naanyetsa ay iila baxday waxay ahayd Gaala-Erisidii in aan anigu dalka xoreeyay.
Dabbaaldegga Oktoobar wuxuu u badnaa gaardi ay qeybaha bulshada, hey’adaha Dowladda iyo noocyada ciidanku ay ka qeyb qaataan. Waxaa intaa dheer bandhig hubka ciidanka lugta, dabbaabbado, madaafiic, gantaallo iyo dayaaradaha ciidanka cirka.
Waxaa jiray qeyb kale oo ah Mashaariic adeeg ama wax soosaar oo la dhagaxdhigay sannadka horraantiisii ama ka sii hor si furitaankooda loogu soo beego maalinta loo dabbaaldegayo curashada Kacaanka. Waa xusuusin sannadle ah oo horumarinta dalka ku wajahan.
Siddeetamaadkii ayaa Madaxweynuhu soo saaray wareegto lagu dhagaxdhigayo mashaariic badan oo qorshuhu yahay in dhammaystirkooda lagu soo beego Oktoobar si xarigga looga jaro. Madaxda sare ee dalka ayay wareegtado mid kasta u cayintay mashruuc kana dalabtay in uu dhagaxdhigo. Mashaariicda kuwooda caasimadda laga hirgelinayo dhammaantood isku hal galab in la dhagaxdhigo ayay wareegtadu sheegeysaa.
Intaa ka dib Madaxweynuhu dibadda ayuu u dhoofay.
Madashu waa Galabta Radio Muqdisho iyo Wakaaladda Wararka SONNA waxay diyaariyeen weriyayaal si ay mashaariicdaas uga soo warramaan. Ka mid ayaan noqday kooxda shaqada loo ratibay.
Maaddaama mashaariicdu ay tiro badnaayeen, weriyayaal ku filan una gacan bannaan ma aanay haysan labada hey’adood ee Radio Muqdisho oo warbaahinta ugu weriyayaal badnaa iyo SONNA.
Madaxda kuwii ugu derejada sarreeyay ayaa mid kasta weriye ama laba loo qoondeeyay. Aniga waxaa la igu qoray in aan raaco Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cumar Jees oo ka tirsanaa Golaha Sare (waa 25-kii Sarkaal ee xoogga kula wareegay talada dalka) ahna xubin Golaha Dhexe ee XHKS (Xisbiga talada haya ahna Xisbiga siyaasadeed ee keliya ee dalka ka jira).
Wuxuu u xil saaran yahay in uu dhagaxdhigo Bukaan-socod-eegto laga dhisayo Degmada Cabdicasiis. Weriye SONNA ah ayaan ku wada qoran nahay in aan Wasiirka raacno.
Qado ka dib ayaa ciidankeennii ku hubeysnaa qalmaanta, xaashiyaha, mikrafoonnada, rikoorrada iyo kaamerooyinku aan is wada raacnay oo aan mar wada tagnay Aqalka Ummadda oo ay Madaxdu ku ballameen si isku mar loo dhaqaaqo.
Guriga Ummaddu waa magacii loo bixiyay markii la dhisay Xarunta Baarlamaanka ee hadda jirta. Mar wuxuu ahaa Guriga Ummadda, mar wuxuu noqday Xarunta XHKS, ka dibna wuxuu noqday xarunta Goalaha Shacbiga. Waa markii Xisbigu uu yeeshay xarun weyn oo isaga u gaar oo ku taalla Degmada Wardhiigleey meel dhinaca ku haysa Tuulada Sportiga ee Muqdisho.
Guriga Ummaddu inta badan wuxuu ahaa Xarunta lagu qabto shirarka Qaran iyo kuwo caalami ahba. 1989 waxaan uga qeyb galay shirka Caalamiga ah oo Culuunta Soomaaliya oo ay casharro ka jeediyeen dood0-cilmiyeedna ay uga qeyb galeen aqoonyahanno Soomaaliyeed oo dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba ka yimid iyo aqoonyahanno ajnebi ah oo dhammaantood wax ka qoray Soomaaliya ama hadda ay u socota daraasad isla mowduucaas ku saabsan.
Aqalka Ummadda ayay Madaxda iyo weriyayaashu ku kulmeen. Annaga gaadiidka na geeyay halkaas ayuu ku egyahay. Weriye kastaa waa in uu gaariga la raacaa Wasiirka ama mas’uulka kale ee uu la shaqeynayo.
Madaxda qaar waan ugu nimid goobta, qaarna annaga oo joogna ayay yimaadeen. Maxamed Cumar Jees ma imaan goobta. Madaxda iyo weriyayaashu waxay billaabeen in ay laba laba iyo saddex saddex isu raacaan oo aadaan mashruuca loo qoondeeyay.
Anigu kursi ayaan fariistay si aan u sugo bal haddii uu Wasiirku yimaado waa intaas oo uu soo daahee. Weriyaha SONNA ee aan wadaraaci lahayn Jees, wuxuu ahaa nin haddii aan soo koobo iga dhaqdhaqaaq badan. Nooc firfircooni ah oo berigaas dadka qaar ku badneyd ayuu ka shidaal qaadanayay.
Isaga oo karkabeysan oo aad arkeyso in uu wax damacsan yahay ayuu ii yimid. Wuxuu yiri Jees ma joogo ee maxaan yeelnaa? Waxaan ku iri aan sugno. Wuxuu yiri ma sugeyno ee na keen aan raacno Duqa Magaalada oo aan weriye ku qornayn isaga.
Waxaan ku iri anigu go’aankaas ma lihi oo waxaan sugayaa Wasiirka. Haddii uu Wasiirku imaan waayo maxaad sameyn? Raadiyaha ayaan ku noqonayaa ayaan ugu jawaabay. Wuxuu igu yiri war ninyahow fursad ayaan heysannaa ee ha naga lumin. Xasan Abshir ayaan dhul ka soo dhammeysaneynaa. Waxaan ku iri anigu dhul ma soo doonan. Adigana kaama hortaagni haddii aad adigu sidaa go’aansato. Intaa ka dib wuu iga tegey.
Wax yar ka dib ayuu igu soo laabtay. Wuxuu igu yiri, Wasiirku ma imaanayo oo xaaskiisa ayay gaari wadaqaateen marka dabcan halkan uma soo socdo ee na keen. Su’aasheydii xigtay wuxuu uga jawaabay, gurigiisa ayaan telefoon u diray oo sidaa la iiga sheegay.
Waan la yaabay in uu haysto telefoonka guriga Wasiirka. Waan ogahay sababta uu u rabo in aan anigu raaco. Waa marka horee isagu waa weriye SONNA oo qoraal uun buu ka soo sameyn karaa. Wuu marka is leeyahay haddii weriye Raadiyuhu kula socdo cod ayaad ka soo duubi kartaan, taas oo Madaxda qaarkood ay aad u jecel yihiin.
Marka labaad wuxuu ka yara baqdin qabaa in Wasiirkeennu yimaado oo hadhow isaga lagu qabsado in uu shaqadiisii dayacay, taas oo laga yaabo in ay ka khafiifto, sida uu is leeyahay, haddii aan labadeennu wadajir u qaadannay go’aanka ka dib markii aan Wasiirka weynay.
Laakiin taa kalamaan hadal ee waxaan u sheegay in shaqadii la ii soo diray mid aan ahayn aanan aadi doonin.
Duqa Magaalada oo aan u maleynayo in uu soo dhagax dhigayay mashruuc Degmada Heli Waa’ laga hirgelin rabo ayuu raacay.
Goobtii ayaan kaligeey ku soo haray. Welwel waxaan ka qabay in Wasiirku uu toos u aado mashruuci loogu talo galay in uu dhagaxdhigo. Muddo markii aan fadhiyay ayaa waxaa soo galay Cabdulqaaddir Xaaji Masalle oo howshiisii soo gutay. Waxay wada socdaan mas’uul aan u maleynayo in uu ahaa Jaamac Gaas Mucaawiye, weriyihii awal raacayna malahaa idaacadda ayuu ku soo dejiyay oo hadda lama socdo.
Wuxuu igu yiri, maxaa meesha ku dhigay? Yaad ku qornayd? Markii aan u sheegay wuxuu yiri xaggee buu ku qornaa in uu tago? Degmada Cabdicasiis, ayaan iri.
In yar ayuu isaga oo aammusan oo hoos fiiranaya fekeray. Ka dibna inta uu i soo eegay ayuu ku tiraabay kelmado aan isla socon. Su’aal ima weydiineyn, waxna iima sheegeyn. Waxaan is irir waxay ahayd qeyb fekerkiisa ka mid ah oo ay dibnihiisu soo tufeen si aan ku talo-gal ahayn.
Sida Jees, Cabdulqaaddir wuxuu ka tirsan yahay Golaha Sare ee Kacaanka, waana Xubin Golaha Dhexe ee XHKS. Weliba waxaan tuhunsan ahay in uu markaa ahaa Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Xisbiga.
Markii uu go’aan qaatay ayaan is raacnay. Qaddar yar ka dib waxaan tagnay degmada Cabdicasiis oo ay joogaan dad aad u tiro yar oo Guddoomiyaha Degmada ag taagan.
Cabdulqaaddir wuxuu ku xanaaqay ama uu isu xanaajiyay Guddoomiyaha.
Wuxuu ku yiri Degmo dhan ayaad madax ka tahay oo laga furayo mashruuc bulshada anfaca. Sida muuqata ma aadan wargelin Dadweynaha Degmada. Dhowr ruux anigu mashruuc uma dhagaxdhigayo ee dib ayaan u laabanayaa …Marka aaad diyaar garowdaan shacab iyo Madax Allah ha ina gaarsiiyo.
Guddoomiyuhu si aan cabsi lahayn laakiin aan xushmadda ka tegin ayuu isu fasiray. Wuxuu sheegay in haweeneey halgamaa ah oo ka mid ahayd dadka howlkarka ah ee howlaha mutaddawacnimada ah Degmada ka fuliya ay geeriyootay oo Galabta la aasayo. Maaddaama aynaan iyada mushaar siin jirin, ugu yaraan waa in aan aaskeeda quweyno. Sidaa darteed dadkii kale ee mutaddawaciinta ahaa iyo kuwii ila shaqeynayay waxaan u diray aaska.
Cabdulqaadir markaas ayuu qushuucay. Guddoomiyaha ayuu garabka ka taabtay oo ku yiri Allah ha u naxariisto. Go’aan sax ah ayaad qaadatay. Magaca Islaanta geeriyootay ayuu weydiiyay, markii loo sheegayna aniga ayuu igu yiri qoro magacaas oo Barnaamijka aad sameyn doonto waxaad ku dartaa in aan halgamaagaas qoyskeeda tacsi u dirayo iyo degmadaba. Kuna ammaanayo shaqadii ay dalka u qabatay. Halkaas ayuu mashruucii ku dhagax dhigay.
Ka dib Cabdulqaddir wuu i soo qaaday oo wuxuu i dhigay goobteyda shaqada.
Radio Muqdisho
Weriyayaashii si habqan ah ayaa midba mar ugu soo noqday Warfaafinta. Mas’uulkii markaa howsha Radio Muqdisho noo diray wuxuu soo jeediyay in cajaladaha la soo duubay oo dhan aniga la igu wareejiyo. Waxaa lagu heshiiyay in caawa uu baxo war ay SONNA qortay oo aan codad wadan. Berrina aan anigu diyaariyo oo sii daayo barnaamij ay ku jiraan codadka Madaxda oo dhan.
Aniga oo cajaladaheygii isku duwaya oo midba gooni u suntaya dadka qaarna ay iska sheekeysanayaan oo aan fadhinno jalbeebka barxadda Wasaaradda Warfaafinta kuraasta dhagaxa ah oo taalla oo sida igu maqaal ah uu dhigay Cabdi Xaaji Gobdoon markii uu ahaa Agaasimaha Guud ,ayaa waxaa soo galay gaari cad oo Mercedes ah.
Waxaa gacantiisa ku wata Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cumar Jees. Intuu aayar noo dhaafay ayuu soo kala fireeyay markii uu ku tegi rabo derbiga Guriga Wasaaraddu ay leedahay ee ku sii jeeda Madaxtooyada ee hadda ay deggan tahay safaaradda Ethiopia.
Waxaa uu gaariga joojiyay inta aanuu soo gaarin jaranjarooyinka laga galo dhismaha Xafiisyada Wasaaradda. Baabuurka wuu demiyay laakiin kama soo degin. Niman madax ah oo nala joogay ayaa aaday.
Madaxda warbaahintu mid hoose iyo kan ugu sarreeya shaqadooda si buuxda ugama nastaan galab iyo habeen toona. Agaasimayaasha qaar badan galab kasta wey yimaadaan qaarna habeenkii ayay meesha ku fiidsadaan. Habkan waa mid ay isla yaqaannaan Wasiirku marka uu jeclaan lahaa in uu awaamir bixiyo ama ugu yaraan ay kala warqaataan madaxda Raaadiyaha iyo SONNA laakiin aanuu dooneyn in uu soo dego oo uu xafiis fariisto ama aanuu wakhtiba u hayn. Marka aanuu gaariga ka soo degin kolba mas’uuliyiinta ugu sarreysa inta markaa joogta ayaa u taga oo la soo hadla isaga gaarigiisa dhex fadhiya.
Warku wuxuu u badan yahay in wixii jira iyo sida ay howshu ku socoto la kala warqaato. Laakiin Galabta arrintu waa ay ka yara beddelan tahay. Wasiirku ma faraxsana. Ma gudan shaqadii uu u xil saarnaa ee ku cad wareegtada Madaxweynaha ama ugu yaraan sidaas ayaa loo muujiyay.
Aniguna waxaan gacanta ku hayaa markhaatigeedii. Fursad ciriiri ah ayuu haystaa. Taas oo ah in aanan weli Madaxda iyo Dadweynaha la wadaagin markhaatiga. Laakiin isagu ma oga.In yar ka dib aniga ayaa la ii yeeray, Madaxdii Waaxyaha oo ku xoonsan gaariga Wasiirka ayaan u tegey. Wuu i salaamay. Anna waan ka qaaday. Wasiirku wuxuu Agaasimayaashii ka dalbaday in ay noo firaaqeeyaan. Iyaguna waa ay yeeleen