|

Kaambaynka Madaxtooyadda, Shirarkii Dhacay, Tallada Wasiiradda, Weerarka Baashe, Shirka Cali Khaliif,Iyo Ollolaha Hass

Hargaysa 08.Sep 2015 (SDN/QJ)- Go’aankii golaha wakiiladdu ku laalleen wareejinta haamaha shidaalka iyo isku celcelintii go,aankaa ee madaxweynaha iyo gudoomiyaha wakiiladda ayaa dhaliyay kaamabyn xoog leh oo ay madaxtooyadu ugu jirto dibu laalista go,aankaa, isla markaana waxa lagu wadaa in mar kale golaha la hor keeno mooshin amuurtaa la xidhiidha.

siilaanyo-iyo-haamahaSiday tibaaxeen xoggo uu wargeyska Ogaal ka soo xigtay illo ku dhawdhaw madaxtooyadda, waxa la sameeyay xarakaad iyo dhaqdhaqaaq la xidhiidha sidii dib loogu kasban lahaa xildhibaano badan oo qayb ka ahaa ansixinta go,aanka laalista wareejinta haamaha, hase ahaatee waxay xoguhu tibaaxeen in aanay weli ka gaadhin guul ay isku halayn karaan, isla markaana aqlabiyaddii go,aanka laalista u codaysay ee xildhibaanada wakiiladdu ay badi difaacayaan go,aanka laalista, marka laga reebo afar xildhibaan oo sadex ay ka mid ahaayeen kuwii hore ugu coddeeyay go,aanka laalista, balse haatan la sheegay in lagu qanciyay ka qayb qaadashada mooshinka cusub ee lidka ku ah go,aankaa golaha iyo gudoomiye xigeenka labaad oo ku wehelinayay Gudoomiye Cirro shirgudoonkii maalintii codka loo qaaday go,aanka, kaasoo uu gudoomiye xigeenka koowaad ka baxay.
Laakiin xogaha qaar ayaa tibaaxay in xildhibaanada ka noqday go,aankoodii hore ee ay ugu coddeeyeen laalista ay yihiin oo keliya hal xildhibaan.
Dhanka kale waxay xogahaasi tibaaxeen in shalay gelinkii dambe kulan arrintan la xidhiidha madal looga dhigay gurigga madaxweyne xigeenka.
Qaar xildhibaanadda go,aanka u coddeeyay ka mid ah ayaa hore ugu dhawaaqay in duullaan lagu soo qaaday xildhibaanada, isla markaana kaambayn lagu isticmaalayo lacag lagu raadinayo, in lagu soo xera geliyo tiro xildhibaano ah oo dib u laali karta go,aanka.
Hase yeeshee, waxay xoggihii u dambeeyay ee Ogaal soo gaadhay xalay tibaaxeen, in ollolahaasi aanuu u guulaysan siday doonayeen, isla markaana inuu dhicisoobay iyo in kale laga ogaan doono waxa ay maanta la yimaadaan golaha.

Xoggaha illahaa laga soo xigtay waxay tilmaameen in xubnaha wasiiradda qaarkood ay ku taliyeen, in aan lagu degdegin wareejinta haamaha, isla markaana lagu horeeyo diyaarinta xeer iyo sharci lagu saleeyo wareejinta haamaha iyo guud ahaan isticmaalka hantida qaranka. Hase ahaatee, waxay xogguhu intaa raaciyeen in ay qaar kale oo wasiiradda ka mid ahina u ollolaynayaan suurtagelinta qorshaha wareejinta haamaha. Sidoo kale ganacsatada shidaalka ee doonaya in lagu wareejiyo haamaha shidaalka ayaa iyana xoguhu tilmaameen inay qayb ka yihiin kaambaynka, kaasoo uu hogaaminayo gudoomiye xigeenka koowaad Baashe oo ay xoguhu tilmaameen inuu ka mid yahay saamilayda shirkadda Hass oo illahaasi ay tibaaxeen inay hormood ka tahay, kambaniyadda ollolaha ugu wayn ku jira.
Inkastoo maamulka Hass hore u sheegay in aanay shaqo isku lahayn kooxda Khaatumo iyo Cali Khaliif, haddana waxa soo noqnoqotay in horjoogaha Khaatumo Cali Khaliif uu ka mid yahay saamilayda, isla markaana waxa haatan ka socda deegaanka Balicad ee gobolka Sool shir uga furmay kooxda Khaatumo, xilli uu Gudoomiye ku xigeenka Baashe Maxamed Cadde oo ay ilmaadeer yihiin Cali Khaliif, isla markaana waajihi lahaa uu ku mashquulsan yahay mashruuca haamaha.

Marka laga tago xogahaa iyo tibaaxahaa oo laga soo xigtay illo kala duwan, ma jiraan warar madax banaan oo si toos ah uga soo baxay dhinacyada ay khusayso oo xaqiijinaya jiritaanka xogahaa, marka laga reebo shirar jaraa,id oo ay shalay isugu jawaabeen labada gudoomiye ku xigeen iyo gudoomiyaha wakiiladda.
Xigasho Wargayska Ogaal

Comments are closed