|

Kaamaradaha Qarsoon ee Madaarka Muqdisho oo soo Bandhigay Qaabkii Diyaaradda Daallo loo Geliyey Walxaha Qarxa DAAWO

Muqdisho 8. February,2016(SDN/QJ):– Kaamaradaha qarsoon ee garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa duubay muuqaalo qaabkii loo qarxiyey diyaarada Daallo Airlines.
Laba nin oo ka tirsan Kooxdda argagixisada ee Alshabab oo isu eekaysiiyey shaqaalaha garoonka ayaa laptop u dhiibaya nin oday ah oo ah ninkii isqarxiyey, kana soo dhacay diyaarada.

Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa gacanta ku haysa dad tiradooda lagu sheegay 15 qof oo isugu jira shaqaalaha garoonka oo lagu tuhunsan yahay inay ka qeyb qaateen dhagartan.

Comments are closed