|

“Kaalmadu Ma Keento Wax Xal ah,Waana Lugooyo,Waa wax leysku soo Habaarey” Wasiirka Macdanta Somaliland

Cape Town 06.Feb 2014 (SDN)- Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale ayaa shaaca ka qaaday in uu dhulka Somaliland yahay mid dihin oo leh khayraad macdaneed oo aan gebi ahaanba la taaban.

Wasiirka Macdanta 22Wasiirka oo la hadlay wakaaladda wararka Reuters, isaga oo ka qeyb-galayay shir lagaga hadlayay macdanta oo ka dhacay Koonfur  Afrika, waxa uu sheegay in aanay wax kaalmo ah ka helin Somaliland dibadda aqoonsi la’aanta awgeed, taasina  keentay  in ay dadkeedu iskood wax u qabsadaan.

Wasiirku waxa uu tilmaamay in aanu jirin dal ku horumaray kaalmada dibadeed oo uu carabka  ku dhuftay inay tahay habaar lugooyo  ku ah dal kasta oo hela.

Kaalmadu ma keento wax xal ah, waana lugooyo, immisa dal oo  Afrika ah ayaad garanaysaa oo ku horumaray? Waa wax leysku soo habaarey, kuwa hela  kaalmada ugu badan ayaa ah kuwa ugu dhibaatada badan”, ayuu yidhi Wasiirka macdanta.

Wasiir Ducaale oo ku sugan Cape Town oo isku dayaya inuu u soo jiido shirkadaha macdanta in ay yimaadaan oo ay ka sahamiyaan macdanta Somaliland, waxa uu ku macneeyay inay tahay  dhul Afrika ah oo ay jiifto macdan  aan gebi ahaanba la sahamin.

Waxa uu sheegay inay Somaliland muujisay inay dalalka Afrika iskood wax u qabsan karaan iyaga oo aan wax kaalmo ah ka helin dibadaha.

Waxa aanu ku soconaa taayada, annaga oo isku tashanay dadkayaga iyo madaxdayada, dhexda ayaanu u xidhannay, kabahana waa u  giijisanay sidaan u horumari lahayn”, ayuu Wasiirka Tamartu u sheegay wakaaladda wararka ee  Reuters.

Wasiirka Macdantu waxa uu sheegay inay Somaliland isku filan tahay oo aanay jirin wax dayn ah oo lagu leeyahay haba yaraatee.
Mudane Ducaale waxa kale oo uu xusay inay miisaaniyadda qaranku caga cageynayso $ 250 milyan, taasi oo dhumucdeedu ka timaada khayraadka dalku leeyahay.

Waxa uu intaa raaciyay inay soo raacdo xawaaladaha dibadaha iyo qurbo jooga Somaliland oo ay ka soo gaadho dalka  illaa Bilyan Dollar sanadkiiba.

Cape Town SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed