|

Kaalinta Difaacayaasha Xukuumadda,Dareenka Kuwa Ka Soo Horjeeda & SilSilad Suugaanleyda Miimley Iyo Maansooyinka Maan-Qaba Iyo Maro Boob AKHRI

Hargaysa 24. March 2017 (SDN/QJ):- Maansada MAAN-QABA, waxay dabo socotaa maansooyinkii ka horreeyay ee ku socday xaraf raaca M, lana baxay MIIMLEY sida Mudduci, Mudacalay, Marag iyo Maxkamada & Kuwa Kale ee soo Baxay.

Waxay diirada saaraysaa xaalada maanta ee dabcan ay ka curatay silsiladda MIIMLEY iyo xaalada dhabta ah ee Somaliland hortaala oo ah bisleynta qarannimada, isku haynta ummada, abuurida midnimo baaxad leh iyo u hawl galida lingax dawladnimo oo dalnimada sii xoojiya.

Maansada Maan=Qaba Waxaa Hal abuuray Abwaan Jamaal A.Muuse waxay tidhi:

  • Inkastoonan Miigane.
  • Maandhaw Abwaanada.
  • Magacsamida guud iyo.
  • Maamuuska kore iyo.
  • Farriintooda mooyee.
  • Mid-na hoos u garanayn.
  • Misna aragtidaydiyo.
  • sal-balaadha maansada.
  • Gabay meeris dheeriyo.
  • Tixo dihin an mariyoo.
  • Murti iyo abbaar sugan.
  • Galka maaxda suugaan.
  • Mahadhada is dabo taal.
  • Maan-qaba an tiriyoo.
  • Ma huraanka taariikh.
  • Maalmihii hore tagay.
  • Milicsiga warkii shalay.
  • Maguurtow ma dhaaftada.
  • Ma minguurinaayoo.
  • Mawduuca eegiyo.
  • Kuwa meel fog yaalaba.
  • Malko lagu xalilo iyo.
  • Hilin maw uga dhiganaa?.
  • Hadda lagu miciinsado.
  • Afartaa muswayn iyo.
  • Mayay iyo mahiigaan.
  • Miraalow araartii….
  • Mar kalena waxaan idhi.
  • Runta lama masuugee.
  • Waa su’aal Malaystow.
  • Ma taqaan Muddiciyow.
  • Marag yada bar kuma taal?.
  • Maal-qabeenka caydha ah?.
  • Mana-sheegashada badan.
  • Ka maldaha ujeedada.
  • Ka miskiinka sheegtee.
  • Wiilyahow munaafaqa.
  • Muslim gaal ka daran iyo.
  • Darbijiif mulkiile ah.
  • Miishaar belaayiyo.
  • Misna waa afmiishaar.
  • Halabuur mar weeyaan.
  • Marna waa siyaasiga.
  • Waa macalin xeerdheer.
  • Kolna waa markhaatiga.
  • Milix lagu addeegsado….
  • Garsoorow ma haysaa?.
  • Miyir sidi waxay tidhi.
  • Mudacalay ha joogtee.
  • Maxkamadu maxay tahay?.
  • Ma mid aan la maqaloo.
  • Wax muquuninaysoo.
  • Muruq lagu hagaa baa?.
  • Ma maraq bilaash baa?.
  • Ma mid meel xun degenoo.
  • Taladeedu murugtaa?.
  • Hees lagu mirqaamiyo.
  • Ma maqaabyo qaran baa?.
  • Waa maxay gubtaanyaddu?.
  • Murdisadu ma soor baa?.
  • Ma sir iyo macaash baa?.
  • Ma sabiib la miistaa?.
  • Sheekadu muraadiyo.
  • Marba meel ha joogtiyo.
  • Ma qof iyo dantii baa?…..
  • Maxkamadu ma taasaa?.
  • Ma ta xalay I tidhi baa?.
  • Dawlad maamulkeediyo.
  • Moorada dadkeediyo.
  • Muuqaal dalnimo iyo.
  • Madaxwayne taliyiyo.
  • Madaxtooyo qaran tidhi.
  • Waa guri haddeer madhan?.
  • Ma makhaayad baad tahay?.
  • Magafuhu ka hawl galo.
  • Mise goof gamaashiyay?.
  • Ayay milaygan jiiftaa?.
  • Waadigan mixaadhiyo.
  • Madiil soo afaystee.
  • Maddanaha dab galiyee.
  • Middi raadsanaayee.
  • Mililaha dhayaayee.
  • Sayid Maxamed bari hore.
  • Musuquu asteeyiyo.
  • Iyo meheradeennii.
  • Middaan caanka ku ahayn.
  • Maxaa maanta soo faqay.
  • Ma muraad kalaa jira?….
  • Gees kalena mahadow.
  • Mus ku ooday xukunkee.
  • Ma adaa Mucaadow.
  • Maareyn heshiisyada.
  • Madaxwayne soo galay.
  • Mar haday sidaa tahay.
  • Madaxdii mijay noqon.
  • Miyaan kaa asmacaya?.
  • Maankaagu suu yahay?.
  • Nin Maroodi fuuliyo.
  • Maandeeq nin maalaa.
  • Igadh maal ma moodee.
  • Hadaad musuqa wiilow.
  • Musuqmaasuq diid tahay?.
  • Hoy mooshin quutiyo.
  • Ina talo maroor iyo.
  • Xildhibaan marooriye.
  • Minaaqow guddoomiye.
  • Ka xukuma maxaad tidhi.
  • Ma hogaamiyaa Mudac?.
  • Markan ummada hagi kara.
  • Ma og tahay Sugaaloow.
  • Marsadaa Berbera iyo.
  • Milatari degsiimada.
  • Ka mugwayn warkayguye.
  • Miimleydu sheekhoow.
  • Maandheer haday tahay.
  • Haday muxibo badan tahay.
  • Maxay qaranka tuurta leh?.
  • Madaxnimo sinaanliyo.
  • Midnimada gun iyo baar.
  • Maskax maa la maaloo.
  • Meeraha gabaabsiyay.
  • Een meelna weli dagin.
  • Muddo tiro labaatana.
  • Mar kalena lix lagu daray.
  • Tirsigii ma yeedhaan.
  • Ee moodhadhkii iyo.
  • Miisaankii waynaa.
  • Milgihiisu dheeliyay.
  • Ee mudane saaxiib.
  • Xilka mudan dhammaantii.
  • Meertada la diidee.
  • Magdhaw laysku siiyee.
  • Muquunada cid loo xidhay.
  • Ee muwaadinimadii.
  • Ninba meeli xoqan tahay.
  • May gacan u fidisoo.
  • Arrintaa la meel dhigo…
  • Bal u fiirso maandhaye.
  • Musuq waxa ka sii daran.
  • Daabka iyo marashidu.
  • Meel bay u sugan tahay.
  • Ma arkaan qaloocoo.
  • Midna lagama jari karo.
  • Ina Maxamed kii caban.
  • Iska heese lagu maag.
  • Gidi way mashxaradaan.
  • Sakatiga ma daayaan.
  • Anigaa malaaq u ah.
  • Xurmadiina may baran?.
  • Ma dantii maraataa?…..
  • Gabagabada maan-qaba.
  • Margi weeye hadalkuye.
  • Soo jiiday miiciga.
  • Malafsigu sun weeyaan.
  • Meehanawgu waa ceeb.
  • Musuq baaha ma ogoli.
  • Marin leexsan ma ogoli.
  • Kol is muuji ma ogoli.
  • Intan iyo in kale maya.
  • In kaleeto ma ogoli.
  • Aragtidu mid weeyee.
  • Weheshigu ma hawl yara.
  • Maansadu inoo furan.

Curintii: Jamal A. Muse

Taariikhda: 22/03/2017

 

Geesta Kale Waxaynu Soo Qaadan Doonaa Maansada Magaceedu Yahay Maro Boob oo uu Curiyey Abwaan Maxamed Cumar Waxaanu Maansadan kaga qayb galay Silsilada Miimley ee Ka Curatay Hargaysa Isagana Talowday Qaaradaha Adduunka.

 

Maansada Maro Boob Waxay Tidhi

Inkastoo mashxaradiyo

Sacabkii mudici helay

Uu gaadhay meel dheer

 

Inkastoo midiyo dhawr

Hablihii miskaha riday

Botor muujiyeenooy

Runta macalinkeedii

U-mareen ciyaartii

 

Inkastoo mar iyo laba

Marageeda kii furay

Shaal miidhan lagu daday

Macawiiso loo xidhay

 

Inkastoonu madi iyo

Madar wali ahayn kali

Kolay madhax ma waayoo

 

Anna maaxinteedii

Runtaan muusinaayee

Miigane war iga hoo

 

Ku sinaan mudada qiran

Inta aan la magac dhabin

Taariikhdii lasoo maray

Kolay male ma waydee

 

Qarni tagay mid laga yimi

Sheeko aan ahayn maad

Oo aan ka soo midhay

 

Waxa igu maqaala ah

Inuu Bari magaaliyo

Balad yimi nin muuqiyo

Milgihii islaamkuba

Maashee ka hirayaan

Musxafkiina midigtiyo

Mataanaha ku haystoo

Macnihiyo tafsiirkaba

Aan meel qaloocdiyo

Xaraf uu maroorshiyo

Mad madaw yar galinayn

 

Muuminbuu u eegyahay

Gunta se waa mas hoosiyo

Halaq aan sun mooyee

Manfac iyo lahayn talo

Madfac weeye kaga yimi

Meel aan lagaranayn

 

Waa saban musheekhdiyo

Wadaadadu midh iyo laba

Halkay miyi ka joogaan

Kolal maalmo loo dhoxo

Maqaam aw-ka loo xigo

 

Looma miyin wuxuu cuno

Marti qaadna loo fidi

Miyir looga waransii

Kuye daaci magacloo

Maka joogayaan ahay

Umiciin islaamkoo

Muuminiinta gaadhsii

Cilmibaan la miignahay

 

Casharuu macneeyaa

Diin uu mulaaqoo

Mad’habkii kufaartiyo

Shirki midhan lagu ladhay

Ayuu nabi mukhtaariyo

Hadba salli ku mujuugaa

Xamdiguu ku moosaa

Si aan maraqa loo garan

 

Rabiyoow macbuudoow

Adigaan wax moogayn

Oo maalig boqoree

Haduu no miciinyahay

Marxabaanu leenahay

Haduu uurka maranayana

Maganbaa la wada yidhi

 

Wuxu maalmo joogaba

Durba mawlacbuu dagay

Gibgbaa meeshi lagu yidhi

Inkastoo makaawiga

Milicdani ku kulushay

Nin wax maagan weeyoo

 

Madxibaaba loo naqay

Waxa laysla meel dhigay

Mahdigii la sugayayiyo

Mar la arag inuu yahay

Se ma noqone laga yaab

 

Wuxu maalmo jooguu

Murjin soofa mariyaba

Masjidbaaba loo dhisay

Waxa laysla meel dhigay

Inuu diin ka mariyoo

Macluumaadna laga helo

 

Isna wuu is mahadshoo

Durba wuu is moodaye

Wax se maanka ugu jirin

Oonu meesha soo dhigan

Maamuuskan filan waa

 

Mad’habkiisibuu furay

Mawjado nuxuusuu

Hadba meel kasoo fadhay

 

Bulshaduu ku maqanyahay

Badi way macaantoo

Inbaa malab ka dhawrtee

In ka maarantaa badan

Qaar ka maarmaybaa jira

 

Beeshan uu ku maqanyahay

Cilmi way ka madhantoo

Machad lama aqoonine

Dad se caamo kama aha

Maankiyo garaadkoo

Maskaxday ka nooshee

Rag ka maagaybaa jiray

 

Wuxu waayo maashee

Maamuus ku jooguu

Ku macaashe xaaraan

Oo mamay ahaadaba

 

Maalkii agoontiyo

Moodkii adoomuhu

Sakadii u miidheen

Wuxu kala muushtariyaba

 

Isagoon maqaamkii

Mudo badanba soo wadin

Ayuu mukhawilnimo ba’an

Umuhdoo is Kari waa

 

Meelbaa bugtee garo

Mukurbuu is kala guray

Waa maanka laga qaad

 

Maandooriyuu helay

Mid yarbaa la joogaye

Muu se dhaadin wiilkii

Kiiyoo kala maroorsamay

 

Kolkii laydhi maandhoow

Ma qarsoonna hawshuye

Xalay marin habawgii

Madasheeda ka cadee

 

Kuye xalay mirtiibaan

Riyo maxamed nuuriyo

Mustafihii ku booqdoo

Waxan tagay madiinee

Miyaydaan ogsoonayn

Inaan nabigii soo maray !

 

Maangaabka beeshiyo

Nin muraadle mooyee

Ruux kaloo xis maamulo

Maankiisa gali waa

Mayacmayacda xaajiga

 

mulxid jiitatay weeyee

Is makeekintiisii

Kolkii meeris laga helay

 

Xaqu waa ma dhuuntoo

Waa malaga tuugtoo

Waa mawdka beentiyo

Middidii dalaalkoo

Mawlaa khashifayee

 

maalin kaadi qabataa

Mabdi’iisu burayoo

Mahwi uu dhex jooguu

Maryihii ku faytoo

Wuxu meesha soo dhigay

Muftigii ayaantaa

Minnaan balagba laga jarin!

 

Kiiyon waliba sii maqan

Ayaa waa midh yaablehe

Baara muuqataa tidhi

Magicii ba’iiyoow

Adna muuqii ka dhimay

Anna laygu kaa malag

 

Afartaa dhe miiddii

Dhacdadii murtida hore

Afar kalena Waa u marag

Maahmaahdii aan dhigay

 

Bulahadayda mudanta ah

Maalooti damac galay

Mooskeeda ku idlaa

 

Ka makhruuqa qayrkeed

Ma taqaano waligeed

Ka mashquulka ceebahu

Milgaheeda fara badan

Massafkeeda waa u unug

 

Hayska maahsanaatoo

Inta hore ha murantee

Hadii mililku uu gubo

Mareegaalayaashiyo

Mara boobta waw halis

 

Maabkeeda dhaqankiyo

Hiddeheedii miidhnaa

Intuu gabaygu maagiyo

Waw markhaati duniduye

 

Iyagoo ah meermeer

Mahlakaysan gabigood

Waxay mood lahaayeen

Inta miino loo dhigay

Dadkan meeqa lagu dilay

Hadaan macal cun waynaha

Maqaariib san laga qaban

Hadii aan mujurucyada

Dhiiga maxasta lagu jaqo

Miishaaro lagu jarin

Dal ka jaba mataanaha

Misigta iyo dhabarkiyo

Iyadoo is madhisoo

Is miisaan tirtaa iman

 

Mana foga misaalkuye

Shalay kii lasoo maray

Ee maqluubka loo rogay

 

Saw kuwii ma’aan ihi

Musuqmaasuq diidnoo

Namuquunin mayside

Yidhi maya afwaynoow

Miyaan qaadan karayaa

Tukaloo la mida tii

 

Afartaa dhe miidii

Dhacdadii murtida hore

Afar kalena maansada

Macaan jecesha keentaay

Adiguna war iga maqal

 

Alla magane maxamuud

Waxa meel ka dhaca wayn

Xoolaha miskiinkiyo

Danlaydii ka madhantahay

Macaluusha jiiftaa

Tuugtay ku maqanyiin

Hadii loo mashxaradoo

Lagu sheego murug keen

 

Xalaal mawle dhiibaa

Maashaa allaa iyo

Mahad lagu gudoomaa

Wax ninkii markaa falay

Damiirkiisa mudi jiray

Muruguna ku dhalin jiray

Miyaa lagu xamdiyayaa

 

Alla magane maxamuud

Mafad maaha boobkuye

Dhaca maadha loo garan

manfac eebe bixiyiyo

Hayska moodin deeqoo

Macna yari adoo ule

Rabbi meel hakaga dhicin

 

Adiguna mudacaloow

Miyay ka qarsoontahay

Daacad inuu maxbuusyahay

Makhsin hoosta kaga xidhan

 

Sida guri makhaayada

Qarankiina mool yahay

Carwo miidhan laga dhigay

Oo qabiil masuul yahay

 

Nin wallo murmaayoo

Maslaxadi diratoow

Majaroorkan kalidaa

Hadaad mooday kuu da’ay

In makhluuqu wada helo

La masawday habartii

Maal wararac laga qoray,

Adna muhandiskiiyoow

Kay malaxdu jiiftaa

Ha matago xumaantee

Xaqiiqada u mariyoo

Marlabaad ku soo noqo

Xasan dacarta muudsii!

Comments are closed