Kaadiriintii Xisbiga WADDANI Oo Dagaal Qaawan Ku Qaaday Axmed Muumin Seed iyo Dhawaaqyo Isasoo taraya Oo Ay Ku Xigtaysanayaan Xisbiga
Hargeysa,7Jan,2016(QJ/SDN)-Masuuliyiinta ugu sarraysa Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, gaar ahaanna kuwa ay isku jufada yihiin Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(cirro), ayaa ku hawllan olole ka dhan ah guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbigaas Md Axmed Muumin Seed, waxana ay soo jeediyeen in tallaabo muuqata oo ka dhan masuulkaas si degdeg ah loo qaado.
Sida ay sheegayaan warar xog ogaal ah oo soo gaadhay wargeyska Hubaal, ayaa sheegaya in xubnaha xisbiga Waddani taladiisa majaraha u haya ee kasoo jeeda beesha Guddoomiye Cirro ay si weyn uga cadhoodeen go’aankii uu guddoomiye Axmed Muumin Seed dhawaan ku saxeexay heshiiskii Xisbiyada qaranka iyo komishanku ku muujiyeen in laga wada qayb qaato diiwaangelinta codbixiyayaasha, taas oo Degmada Buuhoodle lagu raaciyey dhinaca gobolka Sool.
Xubnahan oo ay kamid yihiin Md Siciid Sullub Maxamed, Md Maxamed Nuur Carraale Duur, Md Maxamed Cabdi Gaboose, Md Maxamed Cismaan Fadal, Md Guuleed Daahir Faarax iyo qaar kale oo xilal hoose xisbiga ka haya, ayaa shirar doceedyo hoose oo ay kaga soo horjeedaan guddoomiye-ku-xigeenkooda yeeshay, waxana ay isku raaceen inuu si ka-fuursasho la’aan ah qalinka ugu duugay go’aan aan xisbiga dani ugu jirin, isla-markaana loo baahan yahay in tallaabo laga qaado.
Xubnahani waxa ay cabasho weyn u direen guddoomiye Cirro oo dalka dibaddiisa ku maqan, waxana ay u sheegeen farriin culus oo ay kaga soo horjeedaan ku-xigeenkiisa, waxana ay ugu baaqeen in go’aan degdeg ah laga soo saaro khaladka uu galay.
Dagaalka ka dhanka ah Axmed Muumin Seed ayaa waxa uu gaar u yahay kaliya xubnaha beesha guddoomiye Cirro kasoo jeeda, waxaana si siman iskugu qanciyeen inaan dib masiirka xisbiga aanu u meteli Karin, isla-markaana baahi weyn loo qabo in xubin beeshan kasoo jeedda loo igmado arrimaha masiiriga ah ee xisbigu yeelan doono mustaqbalka.
Sida xoguhu sheegayaan waxa ay xubnahani guddoomiye Cirro u sheegeen inuu masiirkii xisbiga Waddani ku aaminay shakhsi aan awoodin inuu iska hubiyo waxyaabaha uu saxeexayo, isla-markaana aan khibrad iyo aqoon uu xisbiga magaciisa ku meteli karo lahayn, iyagoo dalbaday in baahi weyn loo qabo in dib loo eedo doorka uu Ku-xigeenkiisu ku leeyahay amuuraha hoose ee xisbiga waddani oo ay aaminsan yihiin inay go’aankiisa kama dambaysta ah ku hadli karaan iyagu.
Xogahani waxa ay intaas ku darayaan inuu guddoomiye Cirro qudhiisu muujiyey inaanu ku faraxsanayn arrimaha uu ku-xigeenkiisu saxeexay, balse taas beddelkeeda uu kasoo horjeedo sida xubnahan beeshiisa ahi wax u doonayaan, waxaana uu dalbaday in arrinta dhulka la dhigo, isla-markaana taladeeda xisbiga loo daayo, waxana uu usoo jeediyey inay arrimahooda hoose dhulka iska dhigaan.
Cadhada xubnahani ka qaadeen saxeexa guddoomiye-ku-xigeenka ayaa laga dareemay xarunta guud ee xisbigu ku leeyahay magaalada Hargeysa, waxana si isdaba joog ah usoo kordhaysa cadaadista xubnaha beesha guddoomiye Cirro kasoo jeedaa ku hayaan Axmed Muumin Seed, iyadoo laba maalmood ka hor lagu khasbay inuu dib u beeniyo wixii uu gacantiisa ku saxeexay, afkiina ka sheegay inuu taageersan yahay.
Magaalooyinka Burco, Ceerigaabo iyo Oodweyne, ayaa iyagana masuuliyiinta xisbiganu ku leeyahay waxa ay muujiyeen inay kasoo horjeedaan qaabka uu guddoomiye-ku-xigeenkoodu usaxeexay bayaankii uu la wadaagayey xisbiyada kale iyo komishanka, waxaana ay soo jeediyeen in talo hoose oo isaga ka dhan ah la iskugu yimaaddo.
Isku soo wada duuboo, kaadariinta awoodda badan ee kasoo jeeda jufada Cabdiraxmaan Cirro, ayaa isku raacsan inay xaq u leeyihiin inay xisbiga magaciisa kaligood ku hadli karaan, waxana ay kasoo horjeedaan in cidkale loo igmado masiirka taabanaya mustaqbalka dambe ee xisbiga Waddani.
Xigasho: Wareyska Hubaal