|

KA SII LAAC waa qormooyin cusub oo Mujtamaca reer SL daaha uga faydaya in sifaha Wareejinta Haamaha iyo Hantida maguuraanka ahi yihiin arin Siyaasadeysan oo gun dheer

A-  Iyada oo Xukuumada Siilaanyo uu mudo xileedkeedii 5-ta sanadood ahaa iyo Maandheydkeedii shacabku siiyey uu ka  dhamaaday Taariikhda  27/7/2015.

B-  Iyada oo hada ah Dawlad Madhan oo  ku meel gaadh ah oo mudo kordhin kursiga ku fadhida si ay Doorasho xor ah oo xalaal ah ay dalka u gaadhsiiso
C – Sidaa daraadeedna aanu Dastuurka Qaranka Somaliland  u fasaxeyn in Dawlad aan Dastuuri aheyni iibin karto ama  kireyn karto Hantida Maguuraanka ee Qaranka.
D-  Iyada oo aan haba yaraatee la waafajin dastuurka iyo shuruucda wada qabyada ah ee ku soo aroora xeerbaa qeexi doona
E-  Iyada oo aan haba yaraatee aan goobna  u sameyn xeerar iyo xeegaano lagu dhaqo, lagu maamulo oo hadii la is qabto lagu kala baxo
F-  Iyada oo aan shacabka reer Somaliland marna ka qancin Baahiyaha Kalifay in dhamaan ilihii dhaqaalaha iyo hantidii maguuraanka aheyd ee ummadda la xaraasho.
G-  Iyada oo aan la naadin oo aan loo soo ban dhigin suuqa xorta ah si loo bidhingareeyo oo tar tan xalaal ah loogu galo.
H – Iyada oo aan laga dhigin Mashaariic horumarineed oo dhalinyaro shaqo u abuuraaya taas oo ay og yihiin Goleyaasha Wakiiladu ( Guurtida iyo Baarlamaanka )
 Ayaa Xukuumada Somaliland ku tagri fashay dhamaan liiskan hoose oo ah dhitadii, dhaxalkii iyo dheeftii ummadda Somaliland oo dhami wada laheyd:
1-  Wershadii Sibidhka ee Berbera 
2-  Wershadii Leydhka ee Hargeysa
3-  Wershadii Leydhka ee Berbera
4-  Guryihii dawlada ee shacabka oo gaadhaaya ilaa 520 guri
5-  Xaruntii Netfishka ee Berbera
6-  Leynkii Booliska ee Hargeisa
7-  Xafiisyadii qaranka qaar sida kii Wasaarada Duulista Hawada ee Hargeisa
8- Xarumihii Police ka ee Xaafadaha  Hargeisa sida kii Jig-Jiga yar ee dhawaan inanka lagu toogtay
9- Gandhi–Libaray oo sife xaqdaro ah loo wareejiyey welina huursan
10- Xanaanooyinkii Caruurta sida ta Hargeisa
11- Sariibadihii iyo Suuqyadii Ganacsiga oo lagu tagri falay  sida Sariibada Octobar
12- Buurta Gacan Libaac oo  Sheikh Carab ah laga iibiyey laakiin lagu dhici la yahay ilaa hada
13- Xero Dhiigtii Caasimada Hargeisa oo aad ogeydeen labadii maalmood ee aan xoolaha la qalin wixii ka dhacay Hargeisa
14- Buurta Siimoodi ee Degmada Baki oo shirkad Chines ah sife qarsoon oo gacan wadaag ah looga kireeyey
15- Bir-libaaxdii dalka taalay oo dhan (all scrubs) oo cagta iyo carabka la mariyey
16- Liisanka Baabuurta ee Qaranka oo shaqsi aan u tartamin lagu naaxiyey
17- Isbaaradii Baabuurta loo dhigtay Dekeda Berbera ee Barlamaanku Furdaamiyey
18- Warqadii wado marista ee Dalka oo shaqsi shirkad sheegta sife gacan wadaag ah  loo siiyey
19- Passporkii qaranka oo Xildhibaano Mooshin quutayaal ah lagu qulaamiyey
20 – Haamihii keydka Shidaalka ee Berbera oo lagu wareejiyey shaqsiyaad sheerley ah iyo shirkado dhabarka laga soo taabtay
21- Womens Club kii Haweenka Caasimada Hargiesa oo Ganacsade laga iibiyey iyada oo baahi badan loo qabo goobtaa.
Waxaa laga dhawaajiyey in xaalku yahay KA SII LAAC oo aan la isu joojin doonin ee  dhawaan ay ku xigi doonaan oo iyana sheerar loo qaybsan doono oo kawaanka la saari doono liiskan Hantida maguuraanka ee qaranka ee hoose:
1- Dekeda Berbera oo Geed dheer iyo mid Gaabanba loo fuushanaa mudo dheer.
2- Gegedida Dayaaradaha ee Berbera
3- Garoonka Kubada cagta  ee Hargeisa
4- Wakaalada Biyaha ee Berbera
5- Wakaalada Biyaha ee Burco
6- Garoonka Kubada ee Burco
7- Cashuuraha Beriga ee qaranka
8- Dugsiga Biyo Dhacay ee Hargeisa
9- Hangarada Raashinka la dhigto ee dawlada ee Berbera
Maanta Xukuumada Siilaanyo waxaa Bar madow, Laf jab iyo fadeexad qaawan ku ah in ay kooto dhabar taabasho ah ay shaqsiyaad gaar ah ugu soo cumaamaday Xeyndaabka Madaxtooyada oo ay u xidhay kuna wareejisay Dhamaan agabkii, ilihii dhaqaalaha iyo Hantidii  maguuraanka aheynd ee ummaddu Somaliland  wada laheyd.( Monopolistic Economy ) .Maanta waxaa dhacday in xukuumada jirtaa ay dhamaan wixii shuruuc iyo dastuur inoo yaalay ay kula dagaalanto oo ku dhooqeyso awood dawladeed oo ummaddii wada daalacatay.
La soco ————- qormooyinka danbe !!
Alleh ayaa Mahad Leh,
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London

Comments are closed