|

Ka qayb qaado Ololaha dib u saxidda BBC da

Sidii caadada ahayd waxa bishan 18 keeggii looga dabaal dagay daafaha caalamka sanadguradii 24 naad ee gooni isu taagii Somaliland. Dabaaldaga sanadkani waxa uu ahaa mid dhamaanba deeganada Somaliland intooda badan si wayn looga xusay. Dabaaldagyadaa waawayn ee shacabka reer Somaliland ay shucuurtoda ay ku muujinayeen ayaa waxa ay idaacada BBC du inta ay ka door biday inay 18 ka may ku tilmaantay maalinta qashin qubka iyo in deegano badan laga gurayay qashin.

Waa xaqiiqo jirta in soo bixida warbaahinta internet ku ay sababtay in ay dadkii ku taxnaan jiray idaacada BBC du ay iska daayeen dhagaysigeeda, balse taasi kama saarayso meesha in wali Somali badan ay ku taxanyahiin BBC da una tahay meesha qudha ee ay warbaahinta kala socdaan.  Hadaba akhristow nagala qayb qaado in ayno canaan u gudbino maamulka warbaahinta BBC si ay u saxaan wararkooga dhanka ka raran.

Ka qayb qaado ololaha Facebook oo halkan hoose guji

https://www.facebook.com/Campaignagainstbbc?ref=aymt_homepage_panel

 

 

Halkan ka dhagayso sida ay BBC uga warbixisay xuskii 18 ka may

https://www.youtube.com/watch?v=DSk4Re9yGBI

Comments are closed