KA QAYB GALKA SHIRKA (SOMALIA SYNDROME SOLUTION) EE SOMALILAND SAWIR CAYNKEEYA AYEY CAALAMKA IYO SOMALIDA INTEEDI KALE KA QAATEEN CANBAYOW BISLAADE CUNIDUUN U BAAHANI
Aniga oo ah muwadin Somalilander ah, magacayguna yahay Cabdilaahi Cismaan Cabdi (Cabdilaahi Gadhle) waxaa baryahan danbe dhacayey dabaylo dufaano in ay noqdaan u dhaw, waliba saamaynta ugu wayna inagu yeelan kara, hadii la garan waayo sidii looga hor tagi lahaa
Aniga oo ku soo dhawaanaya ,shirka ka dhacay turkiga gaar ahaan casimadiisa Istanbul waxaa loogu magac daray ,( xalinta khilaafadka faraha badan ee soomaalida ) ama luqada ingirisida loogu yeedho , somalia syndrome solution ) ,kuna sabsana sidii looga midha dhalin lahaa arimaha somalida ee jiitamayey mudada dheer , hadaba mar la waydiiyey rasal wasaraha somalida hebel Gass , Somaliland dadka uga soo qayb galay shirka somalida inaanay ahayn dad kaalinta buuxin kara ,waxa uu ku jawaabay ,xal baanu u aragnay inay kuwan hada joogaba Matalan.
khilafaadka somalida waxaa ka mid noqday, ( waa siyaasada Istanbule)
- Dagalada joogatada ah ee naafeyay shacabka
- Al shababa
- Somaliland
- Cudurada nafeeyay dadka gaar ahaan ( caruurta ka yar 5 sano)
- Abaaraha
- Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeya siyaasiyiinta somaliyeed
- Budhcad badeeda
Hadan ku soo dhawaado, shirkaas waxaa lagu soo gababeeyey, in odayashii dhaqanka ee somaliyeed gutaan wajibkooda iyagoo soo dooranaya xildhibaanadii uga qayb gali lahaa beel kasta oo ka mida somalida si loo dhiso dawladii badali lahayd ta hada joogta ,xildhibaanadasina usoo doortan dawlad si dhamaystiran loo magacaabo oo aan ahayn mid ku meel gaadha ,
Magacan loogu yeedhay shirkii Istanbul ee ahaa (Somalia syndrome solution) waxaa bixiyey raysal wasarahay dalka turkiga taas oo u danaynayo record calamka loo dhigay oo odhanaya,
- cid ku guulaysta dhamaystirka arimaha somaliya ,waxaa loo aqoonsandoona in arimo farabadan oo adunyada ka jira loo daba fadhisto, kuna maamuloarimahaas khasnada calamka ee qaramada midoobay
- khayradka somalida oo loo kala dheeraynayo ,
- Turkiga oo ficil ka dhexeyo dawlada yurub, oo ka dhalatay markii loo diiday in uu ka mid noqdo midowga yurub
Hadaba marka intaasi oo dhami jirto
- Danta Somaliland ay ka lahayd beelaha somalida ah ee oday dhaqameedkoodii logu baaqay in mudo yar ay dawlad ku soo dhistaan ,maxaay tahayshicib iyo xukumadowba?
- Miyaanay madmadaw farabadan ka muqan xukumadan wasiiradeedi oo kaliya u dirtay shirka ee anay wehelin cidi sharcigu u ogola arimaha noocas oo kale ah in ay goob jog noqdan sida.
- Golaha guurtida
- Golaha wakiilada
- Xubno ka socda ururada siyaasada ee qaranka
- Iyo waliba xubno ka socda ururada bulshada ee Somaliland ( national civil society)
Ku tagrifalka sharciga eek u adan shirkan Istanbul
- Hadii wafti heer qaran ahi wadanka ka baxo una baxo hawl shaqo , wixii ka baxsan siduu u qorshaha safarku ahaa ,waa inu ku soo noqda xarunta dalka
Shirkii uu ka yimi waftigii u hogaaminayeyna, waxa u aha mid lagu dhisayo dawlad somaliyeed, oo mudo yar lagaga rabo in lagu soo dhamaystiro
Hadaba meelaha meeqanka leh maxay Somaliland ka dhex daydayeysa, halkay taala sawirkee laga qaatay, calamka iyo somalida inteeda kaleba
Anigu waxaan isleeyahay sawirka laga qaatay in uu yahay (canbayow bislaade cuniduun u baahani)
Anigo ka faaiidaysanay dhacdooyinkan is barbaryaca ah ee aan macna wayni ka dhex muuqan, waxaan isleeyahay, siyaasadii Somaliland waay jahahabowday, wasiiro aan waayo arag in badan ahayn ayaa la silcaaya, markaas madaxweynaha waxaa la gudboon in uu is xisaabiyo ,intaan lala xisaabtamin
Qalinkii iyo maskaxdii;, Cabdilahi Cisman Cabdi (Cabdilahi Gadhle)