Ka Digtoonaw Nooc Ka Mid Ah Dhirta Oo Halis Ku Ah Nolasha Noolaha!
London 14. February 2017 (SDN/QJ):- Xayawaano hillib cun ah ayaa waagii hore dunida ka jiray, haatanse waxa la ogaaday inay jiraan dad cuna hillibka dadka, balse waligeed lama maqal dhir isku badasha inay cunto hillib oo ay dhadhansato dhiiga.
Haddaba, waxa arrintan lagu soo bandhigay warbixin uu Wargeyska Himilo ka soo xigtay jarriidada Daily Mail oo lagu cadeeyay in dhirta loo yaqaano Jar ay tahay dhirta ugu badan ee Disha Dadka, waxaanu geedkaasi leeyahay caleemo aad u adag oo aad moodo inay ka soo jeedaan qodxo sida ilkaha oo kale ah, waana dhirta had iyo jeer marka ay cayayaanku ku dul istaagaan disha isla markaana liqda, xaqiiqada dhabta ah ee sheegaysa inay dhirtaasi dilaa tahay oo ay cunto noolaha dhadhansatona dhiiga waa mid la ogaaday oo natiijada kama danbaysta ah ee dersaadaddan lagu soo bandhigi doono dhawaan sida ay sheegeen Natur Ecology and Evulation oo ka faaloota arrimaha la xidhiidha Dabeecada iyo deegaanka.