Ka Bogo Falanqayn Kooban Oo Ku Saabsan Golaha Wasiirrada Iyo Taariikhda Wajiyada Cusub Ee Haatan Soo Muuqday
Muqdisho:Jan,28,2015(SDN/QJ)-Waxa soo baxday in Ra’isal wasaare Cumar Cabdirashiid Cali uu si weyn wax uga Beddelay Golihii Wasiirrada ee uu dhawaan la laabtay, waxana uu fagaaraha keenay xubno aan aqoon badan loo lahayn oo dhallinyaro u badan, kuwaas oo u badan qurbejoog dibadda kayimi.
Inta badan xubnahan, ayaa lagu sheegay inay yihiin jiilka cusub ee Kooxda Dam jadiidka, waxana ay saaxiibo hoose la yihiin Madaxweynaha oo taladiisa lagu keenay Xubnahan.
Wasiiradda cusub waxaa ku jira Saddex qof oo haween ah kuwaa oo kala haya dhowr wasaaradood oo aanay qaban waa yadaan dumar marka laga reebo xukuumadii Mudane Shirdoon, sida Caafimaadka, xuquuqda haweenka & Waxbarashadda.
Maxamed Cumar Carte, RW ku xigeen, Wasiirka Shaqada, dhalinyarada & cayaaraha, waa inna Cumar Carte Qaali oo soo noqday raiisul wasaare xiligii ay dhacaysay dowladii dhexe ee Soomaaliya, waana ninka labaad ee kasoo noqday xukuumadii uu asbuuca kahor kala diray Cumar Cabdirashiid.
Golahan ayaa waxaa kasoo dhex muuqday Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo noqday Wasiirka Gaadiidka iyo dekadaha, wuxuu hore u ahaan jiray wariye u shaqeeya Telefishinka Aljazeera waliba Soomaaliya oo dhan ayuu Madax uga noqday, Fahad waxaan shaki ku jirin inuu keenay Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo ah Kaadirka Damul Jadiid, Fahad uma qarsoonayn inuu wax ka waday ololaha lagu riday Xukuumadii Dr Cabdiweli SH Axmed.
Sidoo kale waxaa kamid ah gollaha wasiirada Cusub Cabdiraxmaan Ceynte oo mar isna ahaa Wariye kasoo shaqeeyay Hay’addo warbaahineed oo waa weyn sida Aljazeera, VOA-da Soomaaliga ku hadasha iyo Idaacadda BBC qayteedda Afka Soomaaliga, halka hadda uu ahaa madaxa Mac-adka Cilmi Baadhista iyo Siyaasadda ee Heritage, waxaa aad loogu xasuustaa Fahad iyo Ceynti kaalintii ay ku lahaayeen soo bixitanka doorashadii uu Madaxweyne Xasan Shekh kusoo baxay dabayaaqadii sanadii 2012-ka, warbixin ay soo saareen laba sano kahor gudiga la socda daba-galka xayiraadda hubka ee Soomaaliya iyo Erateria ayaa ku eedeeyay inay dowladda Qadar kasoo qaadeen lacag Malaayiin doolar ah oo uu kusoo baxay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka ayaa isna kamid ah ragga ku cusub Golahaan Wasiiradda, Odowaa waa Gudoomiyaha Jaamacadda SIMAD ee Xassan Sheekh & Faarax Cabdulqaadir ay leeyihiin, waa nin dhalinyaro ah dadka aan dalka bixin ayuu ahaa waana nin dadaalay.
Sahra Maxamed Cali Samatar oo hore usoo noqotay Wasiiru dowlihii Xafiiska Raiisul wasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa loo magacaabay wasiirka xuuqda aadanaha iyo haweenka, Sahra waxaa dhalay Sareeye Gaas Jeneraal Maxamed Cali Samar oo hore usoo noqday Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Soomaaliya dowladii dhexe ee uu hogaamin jiray Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre.
Jen Cabdulqaadir SheekhCali Diini ayaa noqday Wasiirka Gaashaandhigga, Diini hore ayuu u ahaan jiray Taliyihii ciidamadda xoogga dalka, waxaa xilkaas laga qaaday joraantii sanadii 2013, waxuuu ka yimid dalka Mareykanka.
Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaadhsiinta ayaa loo Magacaabay Guuleed Xuseen Qaasim oo ah nin dhalinyarro ah oo degan dalka Mareykanka, Guuleed waxaa dhalay Qaasim Guuleed Xassan oo Wasiir ka ahaan jiray dowladii dhexe ee Soomaaliya.
Cabdulsalaam Hadliye oo ahaan jiray Gudoomiyihii Bankiga dhexe xilkaasna laga qaaday kadib eed loo soo jeediyay ayaa loo magacaabay Wasiirka arimaha dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgeshiga, wuxuu degan yahay Virigina oo katirsan dalka Mareykanka.
Nuur Faarax Xirsi ayaa loo magacaabay Wasiirka Dastuurka iyo arimaha diinta, Nuur wuxuu ahaa Safiirka dowladda Soomaaliya u joogay Malaysia hore wuxuu u ahaan jiray Siyaasi Somalilander ah wuxuu lahaa xisbi, isaga iyo Fowziya Yuusuf Xaaji Aaden waxay ahaayeen axsaabtii Somaliland ee gudbi waayay.
Saalax Sheekh Cismaan ayaa loo magacaabay Wasiirka howlaha Guud iyo dib u dhiska, Saalax wuxuu Maalmo ka hor iska casilay afhayeenka Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, waliba Shariif Xasan ayuu u jeediyay dhaliil.
C/risaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Batroolka, Biyaha & Kheyraadka Dabiiciga ayaa hore u hayn jiray wasaaradaan xiligii uu Raiisul wasaarah ahaa Mudane Cabdulqaadir Faarax Shirdoon hadda ayaa dib loo soo magacaabay.
Saciid Xuseen Ciid ayaa loo magacaabay Wasiirka xanaanadda xoolaha, daaqa iyo dhirta, wuxuu kamid ahaa xukuumadii Cumar kala diray wiigga kahor, wuxuu ahaan jiray Gudoomiyihii Rugta ganacsiga ee Puntland kahor wuxuu madaxa suuq gaynta u ahaa shirkadda Golis ee goboladaas Puntland.
Cali Axmed Jaamac ‘Jengali’ oo Marar badan soo noqday Wasiir arimo dibadeed ayaa noqday Wasiirka duulista hawadda iyo garoomadda diyaaradaha, Jaangeli waa siyaasi ruug caddaa ah, wuxuu kasoo jeedda qoys siyaasadeed aabihiis wuxuu berisamaadkii ahaan jira Wasiir iyo diblomaansi.
Raiisul wasaarah ayaa sheegay in Wasiiru dowlayaasha & Ku xigeenadda uu dhawaan soo magacaabi doono, waa markii labaad oo Cumar Magacaabo Wasiiru aan lahayn Wasiiru dowlayaal iyo Wasiiru ku xigeeno.
Dadka saadaaliya siyaasadda dalka ayaa aaminsan inay adag tahay in golahaan ay helaan codka kalsoonidda baarlamaanka, waxaan shaki ku jiray haday baastona inay number yar ku Mari doonto xukuumadda.
SDN/QJ