|

Jubaland oo Villa Somalia ku eedeysay khalkhal amni

Kismaayo (QJ) – Maamul goboleedka Jubbaland ayaa mar kale ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu isku dayay inuu kala qaado ciidamada maamulkaasi, isagoo ku eedeeyay inuu qaadayo falal wax u dhimaya ammaanka gobolka Gedo.

Jubbaland ayaa ku andacoonaysa in dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay ku mashquulsan tahay qalqal amni oo ay ka abuureyso gobolka Gedo, taasi oo ay ku tilmaameen inay qeyb ka tahay qorshe siyaasadeed oo xasaasi ah.

Jubbaland ayaa sidoo kale ku eedeysay inuu jiro qorshe quseeya ciidamada la doonayo in lagu sugo ammaanka gobolka balse ay ku andacoonayaan in dowladdu ay ciidamadan u adeegsan doonto dano siyaasadeed oo gaar ah.

Waxaa si weyn u sii xoogeystay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, iyadoo labada dhinac ay kala aragti duwan yihiin.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in aysan aqoonsaneyn dib u doorashada Axmed Madoobe oo qeyb ka ah khilaafka siyaasadeed ee ka taagan maamulka Jubbaland.

Sidoo kale, ciidamo badan oo ka tirsan kuwa dowladda ayaa loo diray deegaanka Raaskaambooni, halkaasoo ay ka dhaceen dagaallo xooggan. Si kastaba ha ahaatee, Ciidamada Dowladda ayaa la sheegay inay dib u dhac kala kulmeen dagaaladaasi, iyagoona jab xoogan kala kulmay Ciidamada Jubbaland.

Khilaafka u dhaxeeya labada dhinac ayaa si aad ah u muuqda mid cirka isku sii shareeraya, iyadoo ay ku kala aragti duwan yihiin dhinacyada siyaasadda maamulka iyo amniga gobolka.

Comments are closed