|

Joogitaanka Maxamed Cumar Carte ee Muqdisho Waa Aargudasho Siyaasadeed & Sida uu Beeshiisa uga Kala Sad buriyey Kuraasta Baarlamanka Somalia

Muqdisho 01. December 2016 (SDN/QJ):- Raysal Wasaare Ku Xigeenka Somalia ayaa Mudooyinkii u danbeeyay Ku Mashquulsanaa Kala Xulista Xubnaha Beesha uu dhalasho ahaan ka soo jeedo u Metelaya Baarlamanka Somalia.

maxamed-cumar-carteSiyaasi Maxamed Cumar Carte oo ka aargoosanaaya Beesha Cabdalle-Sacad, isagoo ka aargudanaaya Bali’gubadlle wixii ka dhacay1990 ilaa 1991 iyo wax yaalo kale oo ka horeeyay waxaanu si cadaana u yidhi waa qoladii sameyeysay Baha-Sacad, imikana nagu taageeraysa Muuse Biixi Cabdi, oo aan  waxba noo ogolayn anaga (Nuux Ismaacil).

Maxamed Cumar Carte wuxuu si caadaana ugu diiday Beesha Cabdalle-Sacad kursi ay ku lahayd Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya.

Beesha Sacad-Muuse waxay hore u lahayd 4 kursi, waxaana loo kala qaadan jiray ilaa iyo 2006dii, Cabdalle-Sacad 1 kursiMakaahiil-Isaaq 1kursiAbokor-Isaaq 2 kursi.

Beesha Sacad-Muuse waxay hada leedahay 5 kursi, wuxuu u qaybiyey, Makaahiil-Isaaq 1, Abokor-Isaaq 4 kursi, isagoo si cadaana u qaatay kursigii Beesha Cabdalle-Sacad  oo uu isagu is ku qoray, si ay Xuseen-Abokor u qaataan 2 kursi.

Waxa yaaba ah habaar 4 oday ah waa la arkay waxaanse la arag doqoniimo 4 oday ah, waa ninka kala garan waayey in loo simanyahay Isaaq-Sacad iyo Cabdalle-Sacad, waa ninka Xamar layimid xiisadii taalay Soomaaliland, isagoo ka xun jabkii kasoo gaadhay siyaasada Soomaalilnad isaga iyo Aabihii, waxaanu eersanayaa iney Beesha Cabdalle-Sacad kow ka tahay jabkaa soo gaadhay.

Soomaalidu waxay tidhaa nina waalidkii lagama yaqaano markuu noogu yimid Xamar waa naloo sheegay inuu ceeb mooyaane aanu wax kale soo kordhineyn tiina way dhacday.

Bali’gubadlle waxa kursi aaney Beeshiisu lahayn soo qaatay ina Xaashi, waxaana ka qaaday ina Maygaag, markaa wuxuu is leeyahay Xamar cid waxa kaga qaadi kartaa majoogto ee samee waxaad doonto taasi na ma soconeyso, oo way dhamaatay guulwadeyntii uu meesha la yimid, oo hada cid wax ku faleysaa majirto, waxaana suurta gal ah in Xamar looga qaado Kursigaa uu dulmiga ku qaadanaayo.

Waxa kale oo uu fooda isu geliyey reero kale oo la afduubtay odayaashoodii, markaa maha nin leh caqali ku filan oo uu wax ku hogaamiyo, waxa aan been iyo isku dir aheyn oo uu yaqaanaa majirto. Caqli xumadiisa waa ninka Ergo ka soo dhigtay iney kursiga u doortaan, ilaaladiisa iyo shaqaalihiisa oo u badan Mareexaan iyo Majeerteen, oo uu yidhaa waa Xuseen-Abokor.

Qalinkii: Axmed Jaamac Warsame

Comments are closed