Johr Kerry Oo Ku Dhawaaqay Hadal Ka Farxiyey Malaayiin Soomaalida Xeryaha Qaxootiga Ku Nool ah
Nairobi:May,05,2015(SDN/QJ)-Xoghaye Arrimo Dibadeedka Maraykanka Mr John Kerry oo haatan Booqasho ku jooga Dalka Kenya, ayaa ka dhawaajiyey Hadal ay ku farxeen qaxootiga soomaaliyeed ee ku sugan Dalkaasi Kenya, kuwaas oo beryahaasba tirsanayey cadaadis kaga imanayey Dalka ay martida ku yihiin ee Kenya.
Mudane Kerry, waxa uu daboolka ka qaaday inaan dib loo celin doonin qaxootigaas, isla-markaana ay si xor ah usoo joogi doonaan Goobaha ay haatan ku sugan yihiin.
Xoghayaha oo maalintii shalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Nairobi, ayaa cadeeyay inaan xeryaha la xidhi doonin, ilaa iyo inta ay si nabdoon ay dalkoodu uga laabanayan dadka qaxootiga ihi, ee ku dhaqan xeryahaasi.
Xoghayaha, ayaa tilmaamay inay muhiim tahay inaan la khasbin dadka qaxootiga, lana suggi ilaa iyo inta ay si iskooda ah ugu laabanayaan deegaanadii, ay ka kala yimaadeen.
John Kerry waxa uu sheegay inuu la hadlay qaar ka mid ah dadka qaxootiga, isla-markaana ay u sheegeen culeyska kaga imaan kara, haddii si khasab ah dalkoodu loogu celiyo.
Sidoo kale wuxuu sheegay in Dowladda Mareykanka ay 45 milyan oo dollarka Mareykanka ah, ugu yabooheyso Hay’adda UNHCR, oo Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga, si loogu fuliyo danaha dadka qaxootiga.
Dowladda Kenya, ayaa wuxuu ku ammaanay soo dhaweynta ballaadhan ay u sameysay qaxootiga Somaliyeed, sidoo kalana ay Kenya sameysay dulqaad hufan, taasina uu ku ammaanayo, sida uu sheegay.
Dhanka kale wuxuu soo hadalqaaday weerarkii ardayda badan lagu laayay, ee 2-dii bishii April lagu qaaday Dhismaha Jaamacadda Magaalada Garissa, isagoona tacsi u diray qoysaska ardaydii lagu laayay weerarkaasi.
John Kerry, ayaa waxa uu weerarkaasi uu ku macneeyay mid lagu doonaayay in lagu kala qaybiyo bulshada reer Kenya, hase ahaatee aanu noqon sidii ay Ururka Al Shabaab doonayeen.
SDN/QJ