|

John Kerry: Waa Xilli Xaasaasi u ah Dimuqraadiyadda Afrika

Washington 11.Oct 2015 (SDN/QJ)- Xoghayaha arimaha debada ee Dalka Maraykanka John Kerry ayaa warbixin uu Todobaadkan ku qoray shabakadda wararka ee http://allafrica.com/ waxa uu kaga hadlay dimuqraadiyada Qaaradda Afrika, xiligan ay hadda marayso iyo caqabadaha suurogalka ah ee ka hor iman kara.

JOHNWarbixinta oo uu sidoo kale kaga hadlay waxyaabihii uga baxay kulamadii uu hogaamiyayaasha qaaradda qaarkood la yeeshay ayaa waxay u dhignayd sidan:

Bishii May ee sanadkan waxaan ka qayb galay kulan aan caadi ahayn anigoo la midoobay hogaamiyayaal badan oo qaaradda Afrika ah, si aanu goobjoog iyo markhaati uga noqono xaflad nabadgelyo oo ahayd markii koowaad ee ay labo xisbi siyaasadeed oo reer Nigeria ahi xukunka isugu wareejiyaan si dimuqraadi ah’

‘Waxay ahayd mar aan u socdaalay magaalada Lagos horaantii sanadkan aniga oo sii adkaynaya Nigeria inay u tahay  Maraykanka saaxiib dhow oo ay wadaagaan arimo ahmiyad gaar ah oo istaraatiijiyadeed u leh mandaqadaasi iyo horumarinteeda gaar ahaan dhinacyada ammaanka iyo dhaqaalaha’ ;waxaan kaloo xiligaa u arkayey in doorashadii Nigeria ka qabsoontay ay tusaale ku dayasho mudan u ahayd guud ahaan qaaradda’

John Kerry ayaa warbixintiisan ku sheegay ‘in aan su’aali ka taagnayn in xiligani yahay mid xaasaasi u ah dimuqraadiyadda Afrika’ iyadoo dhowaan doorashooyin ka dhacayaan afar dal oo afrikaan ah oo kala ah: Guinea, Tanzania, Côte d’Ivoire, iyo Central African Republic, xiligana aynu aragno doorashadii Brkino-faso, waana shay waajib ah in shucuubta Qaaradda madow ay xiligan u isticmaalaan mid codkooda la maqlo, xilli hogaamiyayaasha Qaaradana laga doonayo inay dhegaystaan bulshooyinkooda

Waxaa muuqda isbedel dhab ah’ ayaa lagu yidhi warbixintan, caqabadihii horumarka iyo barwaaqaynta qaaradda hortaagnaana waa sii yaraanayaan kuwaasoo ay ka mid ahaayeen faqriga, dagaalada sokeeye, abaarahii, iyo nadaamyadii maamul ee diktaatooriyadda ku dhisnaa’

‘Waa lama huraan in aan la yaraysan oo la iska indho tirin caqabadahaas iyo kuwo kale oo soo noqon kara, laakiin taa bedelkeeda waa in aan la illaawin talaabooyinka dhanka saxan loo qaaday’

Xoghayaha arimaha dibada ee Dalka Maraykanka ayaa warbixintiisa waxa uu ku daray In Qaaradda afrika sida meelo kale oo caalamkan ka mid ah hamuum loo qabo in xukuumaduhu noqdaan kuwo shaqaynaya oo dhab ah sharcina ku dhisan, taa darteed waxaa lagama maarmaan ah in la hrgeliyo nadaamka Dimuqraadiga ah.’

Tusaale ahaan Dalka Burkino-Faso ayuu leeyahay Mr Kerry geesiyaasha wadankaasi u dhashay waxay mucaaradku labo jeer suurogeliyeen in ay guulaysato hawsha geeddi socodka dimuqraadiyadu, halka sidoo kalena Jamhuuriadda Dimuqradiga ah ee Kongo aynu arkayno muwaadiniintii oo si furan oo xor ah u hadlaya, inkastoo mararka qaarkood ay iman karto khatar qof si shaqsiyan ah uga soo gaadha culayska shacabku ka samaynayaan sidii ay wakhtigeeda u dhici lahayd doorasho xor iyo xalaal ah”

Warbixinta ayaa sidoo kale John Kery waxa uu kaga hadlay sida meelo ka baxsan Qaaradda Afrika looga danaynayo dimuqraadiyadda dhabta ah, sida wadamada . Indonesia, Sri Lanka iyo Panama oo dhamaantood dhowaan laga qabtay doorashooyin si wacan loo soo agaasimay, kuwaasoo xukunka keenay hogaamiyayaal cusub, isla markaana sii xoojiyey haykalkii Dimuqraadiyadeed ee ka jiray wadamadaas.

Caqabadaha ka hor iman kara doorashooyinka soo socda ee dalalka Afrika wax aka mid noqon kara  in la kulmiyo dalabaadka dimuqraadiadeed iyo heerarka ay marayaan waxyaabaha ay dadka Afrikaanku rajaynayaan, Wadamada qaatay hanaanka Dimuqraadiyadeed ee laga qabanayo doorashooyinka waxay si weyn ugu kala duwan yihiin taariikhdooda iyo duruufaha ku gedaaman, laakiin mid waliba waxa uu haysta fursado uu ku balaadhin karo hanaankiisa dimuqraadiyadeed kuna kobcin karo dhaqaalihiisa’ sidaa waxa lagu sheegay warbixintan Xoghayaha arimaha dibada ee Dalka Maraykanku todobaadkan ku qoray shabakadda wararka ee Allafrica.com.

 

John Kerry,  oo hore u ahaa xubin ka mid ah golaha Senat-ka ee Dalka Maraykanka isla markaana gudoomiye u ahaa gudida xidhiidhka debada ee Golahaasi ayaa tan iyo sanadkii 2013 waxa uu ahaa Xoghayha Arimaha Debada ee Dalka Maraykanka.

Comments are closed