|

John Kerry oo Boqorka Jordan kula kulmay Magaalada Amman – SAWIRRO

Amman,Oct,2015(QJ/SDN)-Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, John Kerry, ayaa waxay maanta Magaalada Amman ku wada kulmeen Boqorka Jordan, King Abdullah II. Kulanka oo ahaa mid uu codsaday Xoghayaha, ayaa waxaa looga hadlay rabshadaha ka dhex oogan Falastiin iyo Israel.

Xoghayaha, ayaa Boqor Abdullah u sheegay in Mareykanka uu doonaayo in la soo afjaro xiisadda mudada afarta toddobaad taagan, lana soo celiyo xasiloonidii ka dhex jirtay Falastiin iyo Israel.

Gaba gabadii kulankan, ayaa waxaa si wada jir ah Saxaafadda ula hadlay John Kerry iyo Wasiirka Wasaaradda Arrmaha Dibadda Jordan, Nasser Judeh. John Kerry oo hadalka ku horeeyay ayaa sheegay in Jordan iyo Israel ku heshiiyen in laga wada shaqeeyo, arrimaha la xiririira dhismaha Xaramul Shariif, oo ah goobta ay xiisadda Falastiin iyo Israel ka dhalatay.

Nasser Judeh, ayaa dhankiisa sheegay in Jordan dadaal badan ku bixin doonto xal u helidda qalalaasaha u dhaxeeya Maamulada Falastiin iyo Israel, si nabadgelyadii loo soo celiyo.

Dhanka kale John Kerry iyo Madaxweynaha Maamulka Falastiin, Mahmoud Abbas, ayaa sidoo kale maanta ku kulmay Magaalada Amman. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xiisadda Falastiin kala dhaxeysay Israel  iyo sidii lagu qaboojin lahaa.

John Kerry, ayaa Khamiistii Magaalada Berlin ee dalka Jarmalka kula kulmay Ra’iisal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, waxayna ka wada hadleen sidii xal nabadeed looga gaari lahaa xiisadaan.

Si kastaba ha-ahaatee John Kerry, ayaa waxa uu wadaa dadaaladii ugu dambeeyay oo diblomaasiyadeed, oo lagu joojinayo qalaalasaha toddobaadkii afaraad galay, ee ka dhex oogan Maamulada Falastiin iyo Yahuudda.

JordanJordan-Abdullah II, John KerryJordan2Jordan3Jordan4Jordan5

 

Comments are closed