Jimciyada Samafalka Al Raxma oo Caruurta Qoysas Agoomaha ah u Qaybisay dharka Ciida
Hargaysa 01.Aug (SDN) Wasiirada Wasaaradaha dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Xidhiidhka Golayaasha iyo Cilmi Baadhista iyo Wasiirka diinta iyo Aw Qaafta ayaa maanta kaga qayb galay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa Xaflad ay Jimciyada samafalka Wadaniga ah ee Al-raxma ugu qaybinaysay caruurta Kun iyo Boqol Qoys oo agoon dan yar ah oo ay ugu tala galeen inay ku ciidaan.
Gudoomiyaha jimciyada Al-raxma Cabdalla Maxamed Ibraahim oo Halkaas ka hadlay ayaa sheegay,in ay jimciyadoodu tahay mid maxaliya oo isu xil-qaantay ka warhaynta dadka dan yarta ah,waxaanuu xusay in ay si joogto u ciidsiiyaan caruurta agoonta ah.
Gudoomiyaha Bisha Cas ee Somaliland Axmed Cabdi Bakaal oo isna halkaa ka hadlay ayaa tilmaamay muhimadda ay leedahay talaabadan lagu ciid siinayo caruurta agoomaha ah, waxaanuu sheegay inay tahay talaabo samafal oo oo ku dayashho mudan.
Wasiirka wasaarada dhalinyada iyo ciyaaraha Mud, Cali siciid Raygal oo halkaa ka hadlay ayaa mahadnaq balaadhan u jeediyay cid kasta oo gacan ka gaystatay caawimada caruurtan agoomaha ah ee dan yarta ah.waxaana uu ku booriyay qaybaha bulshada ee fursada u saamaxayso talaabadan oo kale in ay ku dhiiradaan ina y dadka jilicsan ee bulshada waqtiga ku haboon taageeraan.
Wasiirada wasaaradaha xidhiidhka Golayaasha iyo diinta iyo Awqaafta Mud,Aadan Axmed warsame iyo sh. Khaliil Cabdillahi Axmed, oo iyana munaasabadaas ka hadlay ayaa ka waramay qiimaha taakulaynta noocan oo kale ahi u leeyahay dadka baahan iyo kaalinta ay ka qaadanayso in caruurtan danyarta iyo agoonta isugu jirtaa la ciidaan bulshadooda iyaga oo ku amaanay jimciyada alraxma talaabada ay ku caawiyeen caruurtaas munaasabada ciidal fidriga soo foolka leh awgeed.
Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex,md.Maxamed Maxamud cali (jeeniyare),Wakiilka Bisha Cas ee dalka Imaaraadka carabta ee somaliland Siciid Saalax,iyo Gudoomiye ku xigeenka Xuquuqul insaanka ee Somaliland ayaa iyaguna munaasabadaas ka hadlay.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com