|

Jilaagii Caanka Ahaa Majaajileyste Boon Xirsi oo Caawa Hargeysa Ku Geeryooday

Hargaysa 17. December 2016 (SDN/QJ):-Allaah ha u naxariistee Jilaagii Caanka ahaa ee Soomaaliyeed Majaajilayste Xuseen Xirsi Caddib oo Boon Xirsi loo yaqaannay, ayaa caawa ku geeriyooday magaalada Hargeysa oo uu degganaa.

Rabbi ha u naxariistee Marxuum Xuseen Xirsi Caddib oo Boon Xirsi loo yaqaannay (Boon Xirsi), ayaa  ku geeriyoodey Aqalkiisa oo ku yaalla Xaafadda Axmed-Guray oo ka tirsan degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa, waxaana Warbaahinta  u xaqiijiyey geeridiisa Xubno ka tirsan Ehelada Marxuumka, kuwaas oo sheegay in aanu jirin wax xanuun ah oo hayay ama uu u jiifay wakhtigan, balse ay Qaddartii Alle u timi Caawa isagoo bad-qaba. Waxaana Berri haddii Illaahay yidhaahdo lagu aasi doonaa isla Hargeysa.

Allaah Naxariistii Janno haka waraabiyo ee Majaajileyste Boon Xirsi, ayaa ka mid ahaa Majaajileytayaashii Caanka ka ahaa Dhulka Soomaalida, kana mid ahaa Dadkii Siraadi Jiray Masraxyada Fanka Soomaalida ee Jilistiisa Bulshadu aadka u jeclayd, waxaanay Marxuumka iyo Qoyskiisuba ku noolaayeen magaalada Hargeysa.

Bahda Warbaahinta Qurbejoog Masuuliyiin, Shaqaale iyo Hawl-wadeenna-ba waxaannu dhammaantayo ka Tacsiyadaynaynaa Qoyska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta, Bahda Fanka iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Jilaagii Caanka ahaa Boon Xirsi, waxaanan leenahay Allaah dhammaanteen Samir iyo Iimaan Saadiq ah ha innaga Siiyo, Marxuumkana Jannadii Fardawsa ha ugu deeqo.Aammiin….Aammiin..Aammiin.

Innaali-laahi Wa-innaa ileyhi Raajicuun.

Comments are closed