|

Jilaaga Waddanka India ee Salman Khan oo laga dalbaday raalli galin deg deg ah, markii uu ku hadlay hadal ay dhibsadeen malaayiin qof

Delhi 22.June 2016 (SDN/QJ):- Jilaaga caanka ah ee reer India,  Salman Khan ayaa laga dalbaday raalli galin deg deg ah kadib markii uu ku hadlay hadal ay dhibsadeen malaayiin qof.

INDIA-ENTERTAINMENT-BOLLYWOODMar uu hadlayay ayuu yidhi ‘’jadwalka jilitaanka filimadayda ama mashquulka iyo daalka I  haya wuxuu iga dhigaa sidii  gabadh la kufsaday oo kale’’.

Waxaa laga dalbaday Salman Khan, raalli galin deg deg ah oo ku eg muddo asbuuc ah, haddii uu ku guul daraysto inuu bixiyo raali galintaas, guddiga qaran ee haweenka India ayaa dacwad ka furaya.

Odhaahda kasoo yeedhtay Khan ayaa durba si xoog leh u gashay warbaahinta oo dhan.

Dagaal dhanka Twitter-ka ah ayaa ku bilowday Salman Khan oo lagu leeyahay “ Dareen laawe Salmaan”

Hase ahaatee Jilaa Salmaan Khaan wuxuu haystaa taageero, waxaana soo baxay koox kale oou doodaysa dhanka Twitter-ka oo leh, si khalad ah ayaa hadlakiisa loo dhigay.

Filimka ugu dhow ee uu soo saarayo Khan waa filim lagu magacaabo, Sultan oo uu ku jilaayo feedhyahan.

Odhaahdiisa ka baxday warbaahinta waxay ahayd “ markii aan kasoo baxo goobta lagu feedhtamo, waxaan daremaa inaan ahay sidii gabadh la kufsaday.

Xigashada Warkan Guji Halkan oo Akhriso

Comments are closed