|

Jilaaga Soomaaliyeed Barkhad Cabdi oo dhibaatooyin kala kulmay Socdaalka,maxey tahay sababtu?

Minneapolis Mar 25,2014(SDN)-Jilaaga Soomaaliyeed ee Barkhad Cabdi oo ku can baxay filmkii Captain Phillips eek a hadlayay burcad-badeeda Soomaalida ayaa waxa soo wejahay dhibaatooyin dhanka socdaalka ah

Jilaaga oo dhawaan socdaalo uu Yurub ku tegey ka dib is lahaa Mareykanka oo uu ku noolaa ilaa kolkuu 14 jirka ahaa ayaa saraakiisha Mareykanka ee dhanka socdaalka ay weeciyeen ka dibna suaalo weydiiyeen.

Barkhad Cabdi ayaa intii uu dhalin yarada ahaa waxa la xiray dhawr jeer oo uu ku xad-gudbay shuruucda dalka Mareykanka.

Ilo wareedyo u waramay Barta Internetka ee startribune ayaa sheegay in Barkhad sanadkii 2012kii lagu qabtay maan-dooriyeyaasha marijuana iyo qaad kiyoo ku sugnaa Iowa.

Sidoo kalena waxa loo qabtay tuhun ku saabsan forgery ku saabsan credit cards laga fuliyay degaanada North Dakota iyo Minneapolis.

Barkhad Cabdi ayaa suaalo ay weydiiyeen saraakiisha socdaalka Mareykanka ka dib kolkii uu ka soo laabtay London bishii February ee sanadkan mar uu ku soo guuleystay abaal marin dalkaasi uga dhiganta ta Oscar-ka Mareykanka oo kale.

Ilo wareedyadan ku xiran laanta socdaalka Mareyknaka Ayaan qabin inBarkhad Cabdi laga mustaafurinayo balse waxa la sheegay in kulamo dheeraad ah uu la yeelan doono Immigration ka Mareykanka.

SDN-Minneapolis

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed