|

Jilaaga caanka ah ee reer Masar cadil Imaam oo xarig lagu xukumay

Qahira Feb 04,2012(qurbejoog.com)-Jilaaga caanka ah  ee Caadil Imaam ayaa maxkamad ku taal dalka Masar ay ku riday xadhig sadex bilooda ka dib kolkii nin qareen ahi uu ku dacwooday in aflaamtiisu ay aflagaado u geystaan diinta Islamka.

Cadil Imaam oo aan ka soo xaadirin maxkamada ayaa lagu wadaa in uu racfaan ka qaato goaanka maxkamada.

Dacwadan oo mudo socotay ayaa waxa dabada ka riixayay kooxaha Islamiyiinta Masar.

Jilaagan oo iminka dhawr iyo todobaatan jir ah ayaa aflaamta uu metelo waxa ay u badan yihiin qaar majaajilo ah.

Qurbejoog-Qahir

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed