Jihadi John Oo Loo Malaynayo In Uu Ku Dhintay Weerar Uu Maraykanku Ku Qaaday Magaalada Raqqa
Washington,13Nov,2015(QJ/SDN)-Milatariga Mareykanka ayaa sheegay inay fuliyeen weerar dhinaca cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday “Jihadi John”, oo ah British-ka ka tirsan DAACISH ee kasoo muuqday muuqaallo video ah isaga oo gowracaya dad reer galbeed ah.
Saraakiisha waxay sheegeen inaanay weli caddeyn, haddii ninkan ka tirsan kooxda Daacish, oo sidoo kale loo yaqaan Maxamed Emwazi, lagu dilay weerarka oo dhacay goor dambe oo khamiistii ahayd.
Weerarka ayaa waxaa diyaarad nooca aanay cidna wadin ah ee Drone-ka ay ka fulisay magaaladda Raqqa ee dalka Syria, oo ah caasimadda dowladda Islaamka DAACISH.
Saraakiil Mareykan ah oo magacooda qariyey ayaa warbaahinno dhowr ah u sheegay in weerarka uu si cad ugu dhacay bartilmaameedkiisa, una badan tahay in “Jihadi John” uu geeriyooday.
Xoghayaha warfaafinta Pentagon-ka Peter Cook ayaa sheegay inay weli qiimeynayaan natiijada weerarka, hase yeeshee koox Syrian ah oo la socota arrimaha xuquuqda aadanaha, ayaa sheegtay in “Jihadi John” uu ka mid ahaa afar qof oo weerarka ku geeriyooday.
Geesta kale, ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Dowladda Islaamka (DAACISH), Oo ku saabsan sheegashada Maraykanka ee ah in ay dileen Jihadi John