|

Jihaadiyiinta DAACISH Oo Goor dhaweyd Gawracay Nin Kasoo Jeeda Qoomiyadda Kurdish-ka

Mousil:Aug,29,2014(SDN/QJ)-Kooxda Ka Dagaallanta Dalalka Ciraaq iyo Syria ee Daacish ayaa warbaahinta ka sii dayay Muuqaal nin Kurdish ah oo ay Gawracayaan, waxana ay ciidanka Kurdiyiinta uga digeen inay la Saftaan Kooxaha Jihaadka ka dhanka ah.

gawrMuuqaalkan oo halku-dhigiisu ahaa Fariintii Dhiiga ayaa waxaa ka soo muuqday ilaa tobaneeyo nin oo la shegey inay ahaayeen dagaalyahanada Kurdish-ka  balse haatan gacanta ugu jira Kooxaha Daacish.

Saddex ka mid ah dagaalyahanada IS oo wajiyada u xidhnaa ayaa ninkan ku gowracay meel ku dhow Masaajid ku yaal magaalada Mosul oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Ciraaq.

IS ayaa ku hanjabtay inay dilayaan kuwa kale ee ay hayaan, hadii hogaamiyaasha Kurdiyiinta ay sii wadaan dagaalka ay ku taageerayaan Mareykanka.

Ciidamada Kurdish-ka ee loogu yeedho Peshmerga ayaa todobaadyadii u dambeeyay horumaro ka sameyanayay dagaalka waqooyiga Ciraaq, iyagoo taageero ka helayay Ciidamada Mareykanka oo duqeymo cirka ah ku hayay Kooxda IS.

Muuqaalka todobaadkan horaantiisa ay soo bandhigeen kooxdan ayaa muujineyay boqolaal ka tirsanaa Ciidamada Suuriya oo si wadar ah loo tooganayo, kadib markii lagu qabtay saldhiga Ciidamada cirka ee Tabqa, halkaasoo ay la wareegeen IS.

Walaaca laga qabo kooxdan ee xaga caalamka ayaa sii kordheysay, iyadoo horaantii bishan kooxdu ay gowracday Wariye u dhashay Mareykanka oo lagu magacaabayay James Foley, taasoo ay jawaab kaga dhigeen fara gelinta Mareykanka uu ku hayo waqooyiga Ciraaq.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed