|

Jihaad doonka Mareykanka oo xilal sare ka qabtay Shabaabka

Nairobi Jan 15,2012(qurbejoog.com)Cajala Muuqaal ah oo kooxda AlQacida ay baahisay bishii October ee kal hore ayaa laga dheehanayay ruux gacmo cad cad oo raashin u qeybinaya Soomaali macluuli heyso.

Ninkan wejgiisa qariyay ma aha Soomaali ama Afrikan ee waa Mareykan ka soo jeeda Wisconsin oo Mareykanka ku taal,sidaa waxa war bixin ku daabacay AP.

Tiro yar oo Muslimiin ah oo ka soo jeeda dalka Mareykanka ayaa dhawaan loo isticmaalay cajalado muuqaal ah oo loogu talo galay in loo isticmaalo dacaayado dunida loogu muujinayo hawlgalada ay Shabaabku ka wadaan Soomaaliya.

Dhalintan Mareykanka ka tagtay ayaa u badan qaar ka yimi Minnesota inkasata oo ay jiraan qaar ka kala yimi California iyo Alabama.

“waxa loo magacaabaa xilal aan si qoto dheer looga fiirsan oo u jeedadooduna tahay in dunida loo muujiyo in Shabaabku caalemi yihiin iyo in lagu soo jiito indhaha dhalinta ay doonayaan in ay ku soo biiraan hawlgaladooda.” sidaa waxa yidhi Anders Folk oo hore u ahaa ku-xigeenka xeerilaaliyaha Mareykanka dacwadana ku soo oogay qaar ka mid ah dhalin lagu eedeeyay in xiriir la leeyihiin Shabaabka.

Mutafa Jehad oo California ku dhashay ayuu ahaa ruuxii raashinka u qeybinayay Soomaalida,kiyoo isticmaalaya magaca Abu-Abdullah al-Muhajir.

Mustafa waxa uu ku xigeen u ahaa Salax Nabhaan oo ahaa sarkaal sare oo Al Qacida ka tirsan isla markaana Mareykanku hore u dileen sanadii 2010kii.

Mareykanka ayaa ka walaacsan in ragan ay tababareen Shabaabku in ay dalka dib ugu soo noqdaan oo deetana ay halkaa ka fuliyaan weeraro argegixiso.

Qurbejoog-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed