Jigjiga: Daahfurkii Arooska Qarniga, Su’aashii Maxkamadda, Jawaabtii Madaxweynaha Iyo Qori Tuurkii Lamaanaha Dabran
Jig Jiga 18.Sep 2016 (SDN/QJ):- Wuxuu ahaa hoy la bilay oo loogu dabaal degayay lamaane is doortay. Xidid, xigaal, madax, mijo iyo wadar kale oo lamaane ahba hoolku waa camiraa. Bilic iyo ildoogsi nashaad iyo farxadi ku dheehan tahayna waa ku ladhnayd. Barnaamij dib u soo noolayn dhaqan ah oo masuuliyad, sawrac iyo sinji leh baa goobtaa ka dhacay.
Lamaanaha waxa goobta lagu keenay galbis lug ah,Wiilka waxa soo gelbiyay oo hareera socday rag ku lebisan dharka hidaha iyo dhaqanka oo qaadayay shalaad, Gabadhana waxa soo galbiyay dumar ku baawaynayay farxadda aqalka cusub nebi amaan, sacab iyo mashxarad.
Goobta fooladaynta aroosku waxay ahayd madasha shirarka ee Sayid Maxamed Cabdalla Xasan ee magaaladda Jigjiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida Itoobiya. Halkaasaa lamaanaha udubkooda la taagay laysugu keenay, dabaaldega farxadda habeenkooduna ka dhacday.
Madaxweynaha Ismaamulka DDSI Cabdi Maxamuud Cumar iyo madaxda kale ee maamulkiisuba waxay ka mid ahaayeen dadka madashaa fadhiyay ee u ciyaarayay Arooskan loogu wanqalay dib u soo noolaynta bidhaantii suushay iyo basarkii hore ee aqal galka Soomaalida.
Waxa loogu yeedhay Arooskii Qarniga, waxa la dabaqay hidihii hore ee Aroosku u dhici jiray. Wejigii hore ee cawayska Arooska waxa barnaamijka hogaaminyay Maxkamad iyo Boolis.
Maxkamadda iyo Boolisku maaha kuwa aad moodaysaan ee waxa weeye xubno ka qayb galayaasha ka mid ah oo hagaya damaashaadka xafladda Arooska. Waa dhaqan ka soo jeeda hanaankii Aroosyadii hore ee Soomaalida. Habkani jaas iyo qoob ka ciyaar kuma shaqeeyo, ee wuxuu holiyaa in Boolisku hadba ka qayb galayaasha mid soo kiciyo, Maxkamaduna ku xukunto ama waydiiso wuxuu Arooska ugu soo tala galay, haday hees tahay, gabay tahay, haddii kalena ay xujayso, hal xidhaale furitaankiisa waydiiso ama su’aal kale u bandhigto, hadduu garan waayana xukunto.
Waxa dhaqaaqay ninkii Booliska ahaa, wuxuu sitaa ul, ushaa wuxuu madaxa ka taabsiinayaa hadba mid ka mid ka qaybgalayaasha madasha fadhiya. Waxay meertaba wuxuu ushii taabsiiyay Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar, Caddaaladiina waxay ku dhawaaqday; “Masuulkay taabatoow, amar qaadoo istaag” sidaasaa Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar isu taagay una waajahay waydiintii Maxkamadda. Kute Maxkamaddii Aroosku Googaa, “Xagu gebi, xagu gebi, guntu walac” Kuye M. Cabdi Maxamuud, “Waa Gorofka Geella”
Halkaasaa laga sii waday heeladdii iyo hanaan samidii habeenkii Fatxi Cali Shariif iyo Marwo Istaahil Maxamed Khaliif oo ah fanaanad, isla markaana waxa loo gudbay oo aan ka madhnayn madashaa hanaanka casriga loogu yeedho ee ay haatan Aroosyadu u dhacaan.
Hase yeeshee waxa farxadeeda lahayd qaybta labaad ee barnaamijkaa oo ahayd qori tuur bakhtiyaa nasiib ah oo loo sameeyay lamaanayaasha isu mehersan, balse aan haysan dhaqaale ay ku aqal galaan, kaasoo uu ka bixinayo urur lagu magacaabo Ururka Horumarinta Soomaalida Itoobiya. Sidaa darteed, waxa bakhtiyaa nasiibkaa oo loo bixiyay ‘Gacantaada isku Aroos’ ka qayb galay lamaanayaal badan oo joogay goobtaa, kuwaasoo danaynayay inay qayb ka noqdaan barnaamijkan loo bixiyay Arooska Qarniga qaybtiisa labaad. Qori tuurkaana waxa goobtaa kaga guulaystay todoba lamaane, oo qayb ka noqonaya 25 lamaane ama qoys oo ururka Horumarinta Soomaalida Itoobiya ugu tala galay in barnaamijkan lagu dhiso, iyadoo tiraddaa inteeda kale loo bandhigi doono gobolada kale ee DDSI, kaasoo uu daahfur ama bilow u ahaa Arooska Fatxi iyo Istaahil.
Barnaamijkan haatan saacidaya dhismaha qoysaskaa 25 ah, wuxuu fursad u siinayaa lamaanayaashaa inay bakhtiyaa nasiib ama qori tuur u galaan halka ay ku todoba baxooda ku soo qaadan doonaan, lamaane kastaana wuxuu nasiibkiisa ka qaadi doonaa dalal dibadda ah iyo magaalooyinka Itoobiya qaarkood oo ururku u qorsheeyay todoba baxooda. Hase ahaatee lamaanaha lagu daahfuray barnaamijkani ma gelayaan tartankaa oo iyagu waxa la shaaciyay inay todoba baxooda ku soo qaadan doonaan dalka dibaddiisa. Guud ahaan muuqaalkii munaasibaddaa oo ay ka qaybgaleen ilaa laba kun oo qof iyo barnaamijkan ay ku abtirsanayso ayaa loo arkaa siyaasad fiican oo lagu badhi taarayo guurka iyo isla markaana lagu dhiirigelinayo da’ yarta aan awoodin dhaqaale ahaan.
Xigasho:Weriye Muuse Faarax Jaanbiir Gudoomiyaha Wargayska Ogaal