|

Jidka isku-xidha Hargeysa iyo Sallaxlay oo dhismaheeda la bilaabay iyo xaddiga lacagta lagu gudoomay madashii wanqasha wadada (Daawo)

Hargeysa 14, June 2012 (Qurbejoog.com)- Jidka xidhiidhiya caasimadda Somaliland ee Hargeysa iyo degmada Sallaxley oo 63 Km dhinaca Koonfureed kaga beegan, ayaa maanta si rasmi ah loo bilaabay, si laami cusub looga bineeyo.

Munaasibad loo sameeyay bilaabista dhismaha wadadaas oo lagu qabtay meel dhawr Km dhinaca Koonfurta ka xigta madaarka Hargeysa, waxa ka qaybgalay Maayarka caasimadda, xildhibaano ka tirsan Guurtida iyo Wakiilada, maayarka magaalada Burco, guddiyo loo xilsaaray dhismaha jidkaas, guddoomiyaha xisbiga UCID, guddiga guud ee beesha Ciidagale, qaar ka mid ah qurbejooga beeshaas ee dalal Yurub ah iyo dadweyne tiro badan.

Ugu horayn, guddoomiye kuxigeenka guddiga dhismaha wadada-cad ee xidhiidhisa Hargeysa iyo Sallaxlay Sheekh Maxamed Cali Geedi, wuxuuna ka xog-waramay geedi-socodka dhismaheeda, xaddiga lacagta ku baxaysa iyo qorsheyaasha loo dejiyay, si loo dhamaystiro wadadaa laamiga ah.

Waxa uu sheegay in dhismaha wadadan ay ku baxayso lacag dhan ilaa $4.5 Milyan oo dollars, iyadoo qaybta ugu wayna uu bixiyay ganacsade Cumar Caydiid.

Guddoomiye kuxigeenku waxa uu sheegay in ganacsadahaasi ku deeqay dhamaan gaadiidka dhisaya jidkaas iyo sidoo kale qaybo ka mid ah kharashaadka, iyadoo sida uu sheegay uu qalabkaas Cumar Caydiid ku deeqay uu saamaxayo in maalintii 6 Km la dhiso, marka tiradooda iyo tayadoodaba loo eego, isla markaana uu ilaa 9-ka habeenimo qalabkaasi shaqanayo. Waxa uu sheegay in dhismaha jidka loo qorsheeyay dhawr marxaladood oo u qaybsan in 13 KM ilaa laga gaadhayo magaalada xuduudka Somaliland iyo Itoobiya ku taala ee Ina-Guuxaa, taasoo markaa dhererkeedu noqonayo 80 KM.

Sheekh Maxamed Cali Geedi waxa uu u mahadceliyay haweenka reer Hargeysa ee beeshaas oo goobtaas ku wareejiyay lacag dhan $82000 (laba iyo sideetan kun) oo doolar iyo cid kasta oo gacan ka gaysatay dhismaha jidkaas maanta la bilaabay, wuxuuna si gaar ah ugu mahadnaqay ganacsade Cumar Caydiid oo uu sheegay inuu lacag hal milyan iyo badh ka badan ugu taborucay dhismaha waddada. “Mashruucan oo ku kacaya ilaa $4.5bilyan, Illaahay dambigiisa ha dhaafee waxa inoo fudaydiyay Cumar Caydiid oo keenay dhamaanba qalabkii lagu samaynayay wadadan oo dhan 12 Iska-rogo oo waawayn iyo Cagafyadii. Qalabkaas waxa lagu qiyaasay  kharashkiisu inuu noqonayo hal Milyan iyo afar boqol ($1.4 million) oo kun,” ayuu yidhi guddoomiye kuxigeenka dhismaha jidka isku-xidha Hargeysa iyo Sallaxley.

Maxamed Cali Geedi waxa uu sheegay in loo baahan yahay in cid kastaaba ka qaybqaadato oo ay u furan tahay tabaruca dhismaha jidkaasi, maadaama dhismaha jidku uu yahay sadaqad wanaagsan. “Mashruucani waa sadaqa jaariya oo qofkii wax ku darsanayaa uu Illaahay dartii ula niyoonayo ama waalidkii u bixinayo ama isagu sii dhiganayo, dhamaan dadka gacanta ka gaystayna waa aanu u ducaynaynaa,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Maayarka caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo isna hadal ka jeediyay madashaas, waxa uu sheegay in dawladda Hoose ee Hargeysa ay taboruc lacageed ku darsan doonto dhismaha jidkaas, si la mid ah sida ay gacanta uga geysatay dhismaha jidka Dawga-cad ee dhinaca Waqooyi ee Hargeysa.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan-dheere) oo ka tirsan golaha Wakiilada Somaliland oo isna hadal kooban ka jeediyay munaasibadda wanqasha dhismaha jidkaas, waxa uu tilmaamay muhiimada ay wadooyinku u leeyihiin dhaqaalaha wadanka, wuxuuna hirgelinta jidadka ku sifeeyay ‘bilawga horumarka.’

Xildhibaan Cabdiraxmaan-dheere waxa uu bulshada deegaanka ugu baaqay inay si niyad-furan tabaruc dhaqaale uga geystaan dhismaha wadadaas oo uu xusay inay muhiimad u leedahay dhinaca dhaqaalaha guud ahaan mushtamaca Somaliland.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo isna hadal kooban ka jeediyay munaasibaddaas, waxa uu tilmaamay muhiimada uu wax-wada-qabsigu leeyahay iyo in jidkaasi yahay mid u soo kordhay guud ahaan umadda Somaliland.

Xildhibaan Faadumo Jaamac Ileeye oo ka tirsan golaha Guurtida Somaliland oo iyana halkaas ka hadashay, waxay si gaar ah haweenka ugu boorisay inay sii wadaan ka qaybqaadashada dhismaha wadadaas, si loo xaqiijiyo dhamaystirkeeda.

Marwo Faadumo Shaacib Odowaa oo ku hadlaysay afka haweenka, waxay sheegtay inay haween ahaan diyaar u yihiin sidii ay u sii wadi lahaayeen dhaqaale-ururinta dhismaha jidkaas, iyadoo goobtaas ku wareejisay jeega lacag ay haweenku dhexdooda iska ururiyeen oo dhan $82000 oo ay kaga qaybqaateen dhismahiisa. “Waxaananu diyaar u nahay in aanu sii wadno ilaa inta dhismaha wadadu dhamaystirmayo,” ayay tidhi.

Waxa kale oo halkaas hadalo ka jeediyay aqoonyahan Maxamed Haaruun Biixi oo metelayay qurbejoogta beesha, gaar ahaan magaalada Sheffield ee dalka Ingiriiska, Maxamed Yuusuq Diir-qadhaadh oo metelayay qurbejoogta London, UK iyo xubno kale, kuwaasoo dhamaantood muujiyay siday ugu faraxsan yihiin bilaabista dhismaha wadada Hargeysa-Sallaxlay.

Ugu dambayn, waxa shahaadooyin la gudoonsiiyay shaqsiyaad gacan wayn ka geystay jidkaas dhismihiisa la bilaabay oo ay ka mid yihiin; ganacsade Cumar Caydiid, Faadumo Shaacib iyo shaqsiyaad kale.

Haddaba, haddii aad jeceshahay inaad tabaruc ku darsato, kana qaybqaadato horumarinta wadankaaga, sadaqad wanaagsana la baxdo, waxaad ku hagaajin kartaa account-nadan;

1-Mobile ZAAD service 4840000

2-Salaam Bank account 60029985

3-Dahabshiil account number 26000.

 

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed