|

Jidka Ceerigaabo Habka Dhismihiisu u Socdo Iyo Socdaalka Wasiirka Hawlaha Guud

Hargaysa 05.Dec 2015 (SDN/QJ):- Wasiirka Hawlaha Guud Cali Xasan Maxamad (Cali Mareexaan), ayaa la filayaa inuu maanta socdaal ugu kicitimo dhinaca gobolka Sanaag, isla markaana waxa la sheegay inuu safarkiisu daaran yahay arrimo la xidhiidha dhismaha jidka Ceerigaabo iyo Burco.

JIdka-Ceerigaabo
Siday sheegeen xogo uu Wargeyska Ogaal ka soo xigtay ilo kala duwan, wasiirku wuxuu markii ugu horraysay intii uu xilka wasaaradda la wareegay soo eegaya hawlaha jidka Ceerigaabo iyo Burco, kaasoo dhismihiisu ay dawladu bilowday laba sanno ka hor, isla markaana la filayo in dhismihiisa la sii waddo.

433
Hay’adda waddooyinka oo hore u hoos joogtay taladdii wasiirkii madaxtooyadda ee xilka iska casilay, ayaa mar kale Madaxweyne Siilaanyo dib ugu celiyay wasaaradda Hawlaha Guud kadib markii uu Cali Mareexaan u magacaabay Wasiirka wasaaradda Hawlaha Guud.

Sidoo kale, jidka Ceerigaabo iyo Burco oo hindisaha iyo ku dhiirashadiisa dhismihiisa lahaa Wasiirkii horre ee Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan, lama sheegin inta la dhisay iyo inta hadhsan, Balse siday tibaaxeen ilo ku dhaw dhawo Madaxtooyadu, waxay xukuumadu beegsanaysa sidii loogu dhamayn lahaa muddo sannad ah.

Dhanka kale, Wasiirka Hawlaha Guud ayay ilahaasi tibaaxeen, inuu ku jiro loolan siyaasadeed oo dhan ka ah wasiirkii horre ee Madaxtooyadda oo ay isku beel ka soo jeedaan, isla markaana uu u xaabo urursanayo siduu beesha dhexdeeda ugula loolami lahaa, taasoo haatan u muuqata mid kalsooni ahaan barbartaagan Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda.

Comments are closed