Jebhada Tawaariqa ee Mali oo Dulaan ku qaaday dhul ciidamada dawladu hore gacanta ugu hayeen
Hargeysa Mar 31,2012(SDN)-Jabhadda Tawaariqa ee gacanta ku haysa waqooyiga dalka Maali ayaa maanta gudaha u soo gashay magaalada Goy ka dib markii ay jabiyeen difaaca magaaladaasi oo ay dul mareen dhufaysyo halkaasi ay ka samaysteen ciidamada qaranka Mali.
Dad goob jog ihi waxa ay sheegeen in ay arkeen ciidamada qaranka ee dalkaasi oo ka sii baxaya magaalada iyo Malayshiyada oo waa gadiidka Tiknikada ah ee ay qoryaha culusi ku rakiban yihiin oo soo galaya magaalada, taasoo sanqadha rasaasta laga maqlayey badhtamaha magaalada iyo koona yaasha.
Geesta kale, waxa uu habeenkii xalay u diray qeylo dhaan hogaamiyaha galaha Military-ga ee talada dalkaasi la wareegay dalalka la saaxiibka la ah dalka Mali iyo b ulshada caalamka, isagoo sheegay in dalka Mali khatar ugu jiro in ay qabsadaan jabhadda Tawaariqa iyo mitidiinta islaamiga ihi, taasoo dawladda Mali u baahantahay gargaar Military iyo mid cuno si dalka loo badbaadiyo.
Waxana golaha military-gu u direen wufuud dawladaha galbeedka Africa gaar ahaan kuwa xuduuda la wadaaga si ay ay loogu noqdo cunaqbatayna ay ku soo rogeen, haddii ay xilka ku wareejin waayaan dawladii rayidka ahayd ee afgambiyeen.
SDN-Hargeysa