|

“Jawaankii Dhuxusha ahaa Haatan waxa uu Taagan yahay 80,000-ilaa iyo 85,000-kun Oo Shilin, Waxan weeye in si waaqici ah loo wada Hadlo Dadkiina waxay u baahan yihiin in la helo….”Wasiir Shugri

Hargeysa:Jan,07,2015(SDN/QJ)-Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer miyiga Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa ka hadashay Nabaad guurka ka jira dalka ee ay keentay Gubista Dhuxushu iyo Dagaalka ay kula jiraan Joojinta Gumaadka dhirta lagu hayo.

BAANDAREWasiirka oo shalay saxaafadda la Hadashay, ayaa qirtay  in qiimaha Dhuxushu si weyn u kordhay, waxana ay soo jeedisay in dadku ay ku dhiirradaan isticmaalka Shooladaha,

“Jawaankii Dhuxusha ahaa ahaa Haatan waxa uu Taagan yahay 80,000-ilaa iyo 85,000SL, Waxan weeye in si waaqici ah loo  wada Hadlo Dadkiina waxay u baahan yihiin in  la helo wax loogu beddelo dhuxusha, laakiin imika Suuqa way yaalaan, dad baana karaaya inay iibsadaan, Intaan miskiinka laga hadlin saw  ma ah in kuwa karayaa ay iibsadaan.” Ayey Tidhi Wasiir Shugri  Ismaaciil Baandare.

Wasiirka ayaa soo jeedisay inaanay dadku ku mashquulin Raadinta wixii dhuxusha lagu beddeli lahaa, waxana ay tilmaamtay in muddo kooban Dalka lagaga Mamnuuci doono Gubista Dhuxusha, waxana iyada oo arrimahaas ka hadlaysa ay tidhi,

“Imika annaga Baarlamaanku waxay leeyihiin Lix Bilood  ilaa sanad waa in lagaga takhaluso oo dhirtan lagu daayo, waana in wasaaradaha ay wada khusaysaa ay isu wada tagaan, haddana waa inaan dadkii ka dhego adaygin oo aanay wakhti kasta odhan maxaa lagu beddelayaa.”

Wasiirku waxay sheegtay in sababat ugu weyn ee Dhuxusha loo Gubaa ay tahay Sidii loo heli Maandooraha Jaadka oo Dadka Deegaanada Miyiga ah Dhuxusha ka soo gubaa ay si weyn u isticmaalaan, waxana  ay tidhi,

“Dhuxushii haatan Jaad bay gashay oo dhallinyaradii baa ku waalatay nin wal oo maanta wax tebayaana Boqolaal Geed buu soo jarayaa markaas uu daynkii jaadka iskaga bixinayaa.”

Waxa ay sidoo kale Wasiirku sheegtay in xaata dadka dhuxusha soo gubaa ay gaadheen inay soo shidaan dhir biri-mageydo ahayd oo aan hore loo garaaci jirin sida Gobka  oo kale, iyadoo xustay in Haddii ay dhirta dalka Dhibta ku haysa sida garan-waaga kale ay soo shidaan aan cidina ku qabsateen,

“Maanta Dhuxushii Meel walba way taalla, Garan-waaga Haddii laga goynayo waxba may ahaateen, Laakiin Geedkasta maanta waa la Goynayaa oo xataa Gobkii bay shidayaan, annaguna wasaarad ahaan Kabihii aanu gashanay ayuun baanu xidhanahay xooggana waa lasii saarayaa.” Ayey Tidhi Wasiir Shukri.

Wasiir Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, waxa ay ka dhawaajisay in dedaal ugu jiraan sidii dadku u heli lahaayeen Girgirayaasha Dhuxusha Beekhaamiya, isla-markaana ay diyaarinayaan Istiraatiijiyad  lagu heli doono Girgirayaal qiimo jaban ah oo Dhoobo ka samaysan ka hor inta aan dhuxusha la joojin gebi  ahaanba, waxana ay tidhi iyadoo arrintaas ka Hadlaysa,

“Girgirayaashii Dhoobada ahaa baanu annagu isleenahay dadkii bartay dib haloogu yeedho oo Hay’adihii ka shaqayn jirey halla yidhaadho bal soo celiya, si girgirayaal jaban  aan suuqa looga waayin, Haddii uu Girgirahaasi Shan dollan ahaa inaanu shan iyo Labaatan kun ka badan oo xataa hafto lagu helo oo Ganacsataduna keento si dhirta loo badbaadiyo.”

Shacabka Somaliland ayaa intooda Badani waxay ay si joogto ah Karinta Cuntada ugu isticmaalaan Dhuxusha oo Beryahan dambe qiimaheedu kor usii kacayo, waxana Haatan ay Gaadhay  heer aanay dadka Danyarta ahi iibsan Karin, balse xukuumaddu wali ma sheegin xal waara oo dadka danyarta ah loo hayo oo aan ka ahayn in la isticmaalo Shooladaha oo iyaga qudhoodu dhaqaale badan u baahan maadaama Gaas ay u baahan yihiin.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed