Jawaab maqaalka ah” Culimadii S/Land maxay uga aamuseen xadhiga wadaadka Xizbullaah,Mise shareecadda ayaanay doonayn
Waxaan hawl wadeenada shabakaddan Caalamiga noqotay ee somalidiasporanews.com iyo akhristayaashaba ku salaamayaa salaanta Islaamka Assalamu Calaykum Waraxmatullaah.
Waxaa igu qasbay inaad jawaabta soo qoro markii aan arkay haddalada ku yaala iyo weedhaha aan laga aamusi Karin ee uu dhigay ninka magaciisa qariyay ee AbuSharaf96@hotmail.com la baxay, cinwaanka maqaalkiisa kor ku qoran wuxuu isku waydiiyay su’aal aanu ka jawaabin oo ah “mise shareecadda ayaanay doonayn, waana su’aal khatar ah inuu qofku ka malaystay ama uu is waydiiyaba in walaaladiisa muslimiinta ah inaanay shareecada doonayn sheekhooda iyo shariifkoodu toona, oo wadaadkaa xidhan mooyee ummadda nabi maxamed calayhi salaam intii kalena diintii ilaahay nacday, taasi waa gafka ugu way ee maqaalka ka muuqda.
Abusharaf wuxuu yidhi”Anigu ninkaa la xidhay ma aqaan,waxaanse markhaati buuxa ka ahay in wuxuu ku baaqay xaq yihiin waajibna ay tahay in la hirgaliyo” wuxuu ku sii daray”Waxaan kaloo hubaa in ilaahay hiil ku filan yahay, diintiisana u gargaari doono, kuwa u taagan hiilka diintana uu guusha siin doono.
Hadalkaasi xaq baadil huwan oo markhaad leedahay ma aqaan, taas macnaheedu wuxuu ka dhigan yahay wuxuu wadaadku ku baaqay lama wada socotid, nuxurka ururkiisa lamaad jaanqaadin wali, aqoonta aanad u lahayn laftiisuna waxay burinaysaa taageeradaada waayo qoflkaad taageerayso waa inaad aqoon u leedahay ama aad aamisan tahay wuxuu qabo.
Anigu in la xidho kaliyo ma qabo ee in la soo gole fadhiisiyo oo culimo loo xulay la garnaqsato loona caqli celiyo ayaan aaminsanahay, maxaa yeelay wuxuu ku tuntay axaadiith badan markii uu dafiray in diinta islaamka uu ku jiro wax siyaasad la yidhaahdaa, wuxuuna yidhi bal meesha ay siyaasadi diinta kaga jirto waa halkee” wuxuu ilaaway ama is ilawsiiyay wadaadkaasi in kitaabka saxiix muslim uu ku jiro xadiith saxiix ah oo nabigeenu calayhi salaam ku leeyahay” reer banii israaiil waxaa siyaasad ku dhaqi jiray anbiyadii loo soo diray oo markuu mid dhintaba waxaa loo soo saari jiray nabi kale”
Hadii wadaadku u jeedo siyaasadda reer galbeedka iyo ta ku dhisan waxa ay dadka reer S/Land u yaqaan Munaafaqadda, markaa waxay ahayd inaanu isna banaanka isa soo dhigin dumar iyo caamana soo ururusan ee wuxuu diinta ku dhaamo dadka baro, waayo nin durbaan tuntay ilaaq dalbay.
Abusharaf wuxuu magacaabay dhawr wadaad oo yidhi may shareecada ku baaqaan, wuxuu ilaaway inuu is waydiiyo shareecada oo lagu baaqaa maaha kaliya in BBC laga sheego ee waa waxay ku baaqayeen intii ay dacwadda wadeen oo dhan oo habeen iyo maalin waxaan shareeco iyo diin ahayn ma akhriyaan, markaa ma ninkii urur ku dhawaaqa ayuun baa shareeco doon ah, kii waligii dadka barayayna hadduu shir jaraaid ka sheegi waayo ma waxaynu leenahay shareecada ma doonayo,taasi wa qadaf wayn ee abusharaf iyo ilaahay baa ka wada xisaabtami.
Wadaadka xidhan eed tidhi ma aqaanno, anagaa naqaana oo waligii wuxuu gooni jog ban-daaq ah ka ahaa inuu wax gacan ah ka gaysto wixii isku day ahaa ee wadaadu isku dayeen inay ku saxaan qaladadii dadka ka hortaagnaa ku dhaqanka shareecada, ma lihi way wada saxsanaayeen, waxaanse uga socdaa muxuu mid uun ula jaanqaadi waayay hadduu shareeco doon yahay, waayo waxaa lagu kari waayay ilaa barigii uu yaraa inuu mar uun gacansaar la yeesho dhalinyaradii dalka ee diinta u taagnayd inay u hiiliyaan, tamartoodu ha yaraatee sida.
1.Waxaddadii, Itixaadkii, Islaaxii, Tajamucii, Ictisaamka hadda intaba xataa Salafiyiinta ma arki karo markaa ma cirkuu ka soo daggay wadaadkan kaligii muslimka ahi ee cidnaba lama socodo xagee laga dheelaa, dadka uu isa soo hortaagtay ee yidhi cod kama rabo, siyaasina ma ihi, cidina wax nama siiso iwm, taasi waa sheeko baralay oo xaafadaha hargaysa intuu boodh ka taago aqal xizbullaah ku qoran tahay ayuu islaamaha qaadhaan qarsoodi ah saaraa isagoo quraan ku soo gabanaya, xaafado dhawr ahna waa laga soo eryay markii uu caddayn waayay ujeedada iyo cidda ka danbaysa ama cidda kala xisaabtami karta wuxuu dhigayo inay sax yihiin ama lacagaha xaguu gaynayo uu u gurayo.
2. Abusharaf waxaan leeyahay markhaati buuxa waxaad ka noqon kartaa wax aad aqoon buuxda u leedahay, waayo sida bukhaariga ku taala waxaa ka horaysta aqoonta intaanad markhaati furin, hiilka ilaahayna waxaa ku xidhan la shardi ee maaha wax habar waliba iska hesho, labadaa shardina waa inuu. Kow waxaasi daacad lillaahi ah oo dar alle kaligii loo sameeyo cid kalana aanay waxba ku lahayn yahay oo ikhlaas ah, ta labaadna waa in wadadii nabiga oo qudha loo soo maro oo jid kale iyo qarda jeex lagu dayin waana sida uu ku socdo wadaadkaas iyo dumarka ka daba hadlay ee yidhi wali xukunkii afwayne ayaa Somaliland jooga,
Ninka shareecadu ay ka dhab tahay inuu doonayo in la isku dhaqo waxaa qofkaas u taalla hawl wayn oo inyar oo qudhihi ka soo bixi karto, taasina waa”in dadkan shareeca haku dhaqmaan la leeyahay la baro shareecada lafteeda oo qalbigooda lagu beero inaanay sharecadu ahayn wax loo codeeyo ee ay tahay diinta qayb ka mid ah oo la inagu adoonsaday, waliba waa in loo saxaa inaanay shareecadu ahayn qaybta xukunka kaliya iyo kursiga sare oo la fuulo qudha, balse ay intaa ka mug wayn tahay, kana soo bilaabanto qofka oo naftiisa shareecada u barta iskuna dhaqa, kadibna uu cidii uu masuul ka yahay ku dhaqo kadibna dagaankiisa ku dhaqo shareecadana waxaa ka mid ah arin kastoo diintu caddaystay ee maaha talada oo lala wareego ama maamulka oo inqilaab lagu qasbado oo lala wareego.
Anigu wadaadkaa iyo ku kale toona in la dulmiyo ma qabo waxaanse hubaa inuu isagu dulmi badan naftiisa, shareecada lafteeda iyo dadkiisaba ka galay, ilaahayn inuu usoo noqdaa u furan tahay.
Jamal Haji Axmed Madar” Samakaab””
anba.waan.yaabayay@gmail.com